4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo dallacsiiyay Saraakiil ka tisran ciidamada Xoogga (Milateriga) Soomaaliya
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Somalia ku dalacsiiyay sagaal sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca.

Saraakisha la dalacsiiyay ayaa waxay tababarro heer sare ah kusoo qaateen dalka Uganda, iyadoo wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ay soo jeedisa in saraakiishan la dallacsiiyo.

"Ummaddan haybadeeda iyo sharafteeda inaad u soo celisaan ayaa la'idinka doonayaa, gabadha Soomaalida ah ee xeradda qaxootiga ku jirta oo aan Soomaaliya garanayn laakiin xerada qaxooti ugu jirto inay Soomaali tahay ayaa la’idinka sugayaa inaad dalkeeda dib ugu  soo celisaan,” ayuu madaxweynuhu ka sheegay munaasabadda dallacsiinta saraakiisha.

Saraakiishan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay labaatan sano kaddib ay dallacsiiso dowlad aan KMG ahayn oo dalka ka jirta, waxaana saraakiishan ka muuqday farxad iyo rayn-rayn markii garaadaha dallacsiinta loo xirayay.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo gabgabeeyay hadalkiisa in saraakiisha la dalacsiiyay ay masuuliyad ka saarantahay shacabka Soomaaliyeed. Sidaas darteedna looga baahan yahay inay dhowraan nidaamka ciidamada iyo sharafta Qaranka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya