4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Is-rasaaseyn Khasaaro Dhalisay oo gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmartay ciidamada ammaanka iyo kooxo Hubeysan

Khamiis, December 20, 2012 (HOL) —Israsaaseyn xooggan ayaa gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ku dhexmartay kooxo hubeysan oo jidgooyo dhigtay xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo iyo ciidamada ammaanka degmadaasi.

Goobjoogeyaal ku sugan xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo oo ah halka ay israsaaseynta ku dhexmartay labada dhinac ayaa HOL u xaqiijiyay in iska-horimaadkii maanta uu sababay dhimashada shan qof oo katirsan dhinacyadii dagaalamay iyo dhaawaca lix kale oo sedex kamid ah ay ahaayeen dad rayid ah.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ayaa weerar kusoo qaaday ciidamo ay isbaaro u taallay wadada laamiga ah ee marta xaafadda V-afmadow, dagaal xooggan ayaa labada dhinac dhexmaray," ayuu yiri goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo qadka teleefonka ugu waramay HOL.

Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni C/naasir Seeraar Maax oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay in israsaaseynta ay u dhexeysay ciidamada ammaanka degmada Kismaayo iyo kooxo uu ku sheegay mooryaan.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxahani ay isbaaro dhigteen xaafadda V-afmadow, haseyeeshee wuxuu xusay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in ay qaadaan isbaarada isalarmaaskina ay kala ceyriyaan kooxihii dhigay.

Masuulkani ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseyntii maanta, wuxuuna intaa ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay goobtaasi ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Warar hoose oo ay shabakadda HOL  ka heleyso degmada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxaha jidgooyada dhigtay ay ahaayeen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo gadoodsanaa kuwaasoo ka cabanayay mushaar la'aan.

Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dhaqdhaqaaqa raaskaambooni oo garab ka helaya Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaan ilaa imika yeelan maamul rasmi ah, wallow uu jiro maamul KMG ah oo ay dhiseen saraakiisha labada dhinac, waxaana imika gudaha magaalada Kismaayo ka soconaya shir uu soo agaasimay urur goboleedka IGAD kaasoo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya