6/25/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Sanadguuradii 69-aad ee Aasaaska ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo siweyn looga Xusay Magaalada Muqdisho [Sawirro]

Khamiis, December 20, 2012 (HOL) —Munaasabad heersare loo soo agaasimay islamarkaasina lagu xusay maalintii la aasaasay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay maanta ka dhacday kuliyadda Jeneraal Kaahiye, iyadoona munaasabadda maanta ay ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay.

Munaasabaddan oo lagu xusayay 69 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ay kamid yihiin: ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), wasiirro, wasiir kuxigeenno, xildhibaanno, saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Booliska, xubno kasocday qaar kamid ah dowladaha caalamka, madax katirsan xoogagga AMISOM, fanaaiin iyo weliba marti sharaf kale,

Ciidamada kala duwan ee Booliska ayaa iyagoo gaardinaya waxa ay socod kusoo mareen barxadda weyn ee xarunta tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, iyagoona salaam sharaf gudoonsiiyay ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya.

Kooxda fanaaniinta ee Heegan ayaa goobta kusoo bandhigay riwaayad ay ku muujinayeen howlaha uu qabto booliska Soomaaliyeed, waxa ayna sidoo kale goobta ka qaadeen heeso kala duwan oo isugu jiray kuwo ay booliska ku guubaabinayaan iyo weliba qaar kale oo ay ku sharaxayeen waxqabadka ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kamid ahaa xubnihii goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in  ciidamada boolisku ay yihiin aasaaskii ugu horeeyay  ee ciidamada dalka islamarkaasina ay ka qeybqaateen dhismihii ciidamada xoogga dalka, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaalladooda ku aadan sugidda amniga dalka.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye oo isna goobta khudbad dheer ka jeediyay ayaa uga warbixiyay waxqabadkii ciidamada booliska Soomaaliyeed ee sanadkan 2012, wuxuuna sheegay in sanadkani uu wax weyn ka badalanyahay kii hore islamarkaasina ay aad u yaraadeen falalkii amaan darro, isbaarooyinkii, qaraxyadii iyo weliba shilalka gaadiidka, wuxuun xusay in ciidamada boolisku ay wax weyn ka qabteen amniga magaalada Muqdisho iyo qeybo katirsan gobollada dalka.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliska, qof walbana waa inuu ogaadaa danbiga sharciga laga galay in uu yahay mid isaga laga galay,” ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxa munaasabadda ka hadlay masuuliyiin ay kamid ahaayeen gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Max’uud Axmed Tarsan, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo madax kale, waxayna dhamaantoodba hambalyo u direen ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn waxaa halkaasi khudbad dheer ka jeediyay ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo isagu ugu horeyn ciidamada booliska ugu hambalyeeyay sanadguurada 69-aad ee kasoo wareegatay aasaaskooda, wuxuuna sheegay in booliska Soomaaliyeed ay wax weyn ka qabteen amniga dalka gaar ahaanna magaalada Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday in xukuumaddiisu ay gacan weyn ka geysan doonto tayeynta ciidamada booliska Soomaaliyeed.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya


 













Click here
12/20/2012 3:03 PM EST
Khamiis, 20, 12 2012 (HOL) Saddex ruux ayaa lagu toogtay oo geeriyootay labo dhacdo oo kala duwan caawa gudaha degmada Gaarisa ee Xarunta gobolka Waqooyi Bari, sida ay xaqiijinayaan dad ku dhaqan deegaanka Gaarisa.

12/20/2012 9:51 AM EST
Khamiis, December, 20, 2012 (HOL) – Abaartii sanad hore ku dhufatay qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan waxaa la oran karaa saameynta ugu darran waxaa ay ku reebtay dadka reer miyiga ah, gaar ahaa qoysaska ay nolashooda ku tiirsaneyd dhaqashada xoolaha kuwaasoo ku soo dhacay gacmo maran kadib markii ay dhaafeen duunyo wixii ay dhaqanayeen.

12/20/2012 9:38 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) —Israsaaseyn xooggan ayaa gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmartay kooxo hubeysan oo jidgooyo dhigtay xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo iyo ciidamada ammaanka degmadaasi.

12/20/2012 8:14 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay wasiirka horumarinta dowladda Norway, Heikki Holmas iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa safiirka Nowray ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

12/20/2012 7:58 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa ka warbixiyey qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacayo iyo howlgal ay ciidamadu sameeyeen oo dad lagu soo qabtay.

12/20/2012 7:57 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Wasiiradda maaliyadda East Timor, Emelia Pires ayaa booqasho ku timid maanta magaalada Muqdisho, iyadoo la kulantay madaxweynaha Somalia iyo wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan, waxayna kala hadashay xiriirka labada dal iyo sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa wasaaradaha maaliyadda labada dal.

12/20/2012 7:44 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL)- Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanadguuradii 69-aad ee kasoo wareegtey xilligii dhidibada loo taagey ciidamada Booliska Soomaaliyeed, ayaa maanta ka dhacday xarunta wasaaradda amniga Puntland ee magaalada Boosaaso.

12/20/2012 7:35 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddo loosoo jeediyey, kuwaas oo la sheegay inay doorashadii ay qabteen guddidu ay musuqmaasuq badani ka jirtay.

12/20/2012 7:32 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay wadaan qorshe howlgalkooda ku gaarsiinayaan demooyinka iyo deegaannada gobollka Hiiraan uu ka kooban yahay

12/20/2012 1:19 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa la dilay laba kalena dhaawacyo ayaa loo geystay, kaddib markii kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen gaari ay wateen ciidamadan oo marayay bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

12/20/2012 1:06 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si rasmi ah u sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay isbedel ku sameyn doono maamullada gobollada iyo kuwa degmooyinka ee aysan ku qanasanayn shacabka ay maamulaan.

12/20/2012 12:40 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qaraxyo xalay ka dhacay Islii oo ka tirsan xaafadaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaaso ay deggen yihiin Soomaalida ku nool xarunta Kenya.