4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo sheegay in la bedeli doono Maamullada aysan shacabkoodu raalliga ka ahayn
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si rasmi ah u sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay isbedel ku sameyn doono maamullada gobollada iyo kuwa degmooyinka ee aysan ku qanasanayn shacabka ay maamulaan.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho maalmaha soo socda laga dareemi doono ammaan dhaaraad, isagoo intaas ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in hubku uu gacanta shacbka kusii jiro.

"Maamullada aysan ku qanacsanayn shacabka Soomaaliyeed si dhaqso ah ayaa loo bedeli doonaa, mana la ogolaan doono inuu xil sii hayo mas'uul ay cabashooyink ka keeneen shacabka uu maamulo, maadaama tiirka ay dowladdu ku dhisan tahay ay yihiin shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradiisu ay xoogga saari doonto sidii ay shacabka ku nool degmooyinka iyo gobollada dalka iyagu u soo xulan lahaayeen mas'uuliyiinta maamulaya, dowladduna ay gacan ku siin doonto sidii maamulladaas ay howshooda u wadan lahaayeen.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya ay soo badanayaan cabashooyink kasoo baxaya dadka ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka ee ay gacanta ku hayso dowladda, kuwaasoo ka cabanaya maamullada deegaannadooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay gacan ka siinayso dadka ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka sidii ay maamullo ay iyagu raalli ka yihiin u sameysan lahaayeen, iyadoo dowladdu ay sheegtay inaysan jiri doonin in maamul dusha sare looga keeno dadka gobollad dalka ku nool.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin wasaaraddiisa inay dadku haystaan hub sharci-darro ah, taasoo uu sheegay inay wax u dhimayso ammaanka magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya