4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Hay'adaha samalka oo ka wadahadllay lacago gargaar ah oo la waayay Halkay mareen

 Arbaco, December, 19, 2012 (HOL) – Xilli xaalado nolaleed oo aad u liita ay soo food saareen kumanaan qoysas ah oo bishii September ka barakacay fatahadii ku dhuftaay magaalada Baladweyne, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya in la la lunsaday lacago malaayiin doolar ah oo ay hay’addaha safamalka ugu talagaleen in lagu kaalmeeyo dadka dhibaateysan.

 

Guddoomiyaha  degmada Baladweyne ee maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Macalin Qalaafoow oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegya in dhawaan wafdi ka socday hay’addaha samafalka QM oo gaaray magaalada Baladweyne ka wada hadlleen halka ay martay lacag dhan $ 2 milyan oo doolar, oo loogu talagalay in lagu gargaaro dadka ay la soo darseen xaaladaha nolol  xumo.

 

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha degmada  in wafdiga ka socday QM ku wargaliyeen dhinacooda in aysan arag lacagta ay ka hadllayaan, sidaa daraadeed loo baahan yahay in la baaro halka ay martay.

 

‘’Annaga waan u sheegtay wafdiga in aysan jirin wax lacag ah oo na soo gaaray,, dabcan cida lacagahaas ay u soo dhiibeen iyaga ayaa garanaya, laakiin waxaan ku wargalinay in ay jirto baahi dhinaca samafalka si loo gargaaro dadka dhibaateysan,’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha degmada Baladweyne.

 

Marka la eego lacagaha ay ka hadllayaan hay’addaha samafalka in lagu bixiyay gargaarka loogu talgalay gobollka Hiiraan, gaar ahaan dadkii ay dhawaan saameysay  fatahaada, waxaa ay muuijneysaa in uu jiro musuq maasuq ballaaran oo ka dhax socda hay’adda caalamiga ah iyo NGO-yada maxaliga ah oo la sheegay in kaalmada intaa la eg loo soo marsiiyay dadka dhibaateysan.

 

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa marar badan oo hore ku cel celiyay in uu jiro dib dhac ku yimid kaalmadii ay ka filayeen hay’addaha samafalka si wax badan looga qabto daruufaha dhinaca nolasha ee heysta kumanaan qoys oo wali guryahooda dib joog ka ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya