4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2012
Dowladda Kenya oo Qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool ku amartay in ay ku laabtaan Xeryaha Qoxootiga

Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka Kenya inay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga, gaar ahaan xeryaha adduunka ugu weyn ee Dhadhaab.

Waaxda arrimaha qoxootiga ee dalka Kenya, ayaa sheegtay in amarkan uu qayb ka yahay xoojinta ammaanka gudaha Kenya, kaddib qaraxyo ka dhacayay bilihii ugu dambeeyay magaalooyinka Mombassa iyo Nairobi, gaar ahaan xaafadda ay dagto Soomaalida ee Islii.

"Xukuumadda Kenya waxay go'aansatay inay xirto goobihii qoxootiga laga diiwaan-gelin jiray, waxayna ku amartay qoxootiga inay dib ugu labataan xeryihii ay horay ugu jireen," ayuu yiri madaxa hay'adda qoxootiga Kenya, Badu Katelo.

Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in tiro ka badan 30,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah ay ku nool yihiin magaalada Nairobi, halkaasoo ay ka dhacaan qaxyarada ugu badan oo hay'adha ammaanka Kenya ay ku eedeeyaan inay mas'uul ka tahay Al-shabaab.

Dhanka kale, danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada ammaanka Kenya ay xiraan dad aan dambiyo lahayn, isagoo sheegay inay madaxda Kenya kala hadleen arrintaas.

"Kenya waxaa ku jiran in ka badan 200 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo wadooyinka laga qabtay, waxaanse dadaal ugu jirnaa sidii ay xorriyadooda ku heli lahaayeen," ayuu yiri dajire Ameerika oo sheegay in Kenya ay xaq u leedahay inay amnigeeda sugato, balse aan loo baahnayn inay xiraan dad aan dambiyo lahayn.

Dalka Kenya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo markii uu ciidamadiisa u soo diray Soomaaliya ka dhacayay qaraxyo iyo falal ay ka mid yihiin toogashooyin lagu dilay askar ka tirsan ciidamada Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya