4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2012
Baarlamaanka Puntland oo Cod Aqlabiyad ah ku Ogolaaday Xeerka Furashada Xarumaha Caafimaadka iyo kan Isticmaalka Bacaha

Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Fadhi ay baarlamaanka Puntland ku yeesheen magaalada Garoowe shalay oo Axad ahayd ayay ku meel-mariyeen labo xeer oo ay horay ugu soo gudbiyeen wasaaradaha caafimaadka iyo deegaanka. Xeerarkan oo uu goluhu in muddo ah ka doodayey ayaa kala ah xeerka mamnuucista ka ganacsiga iyo soo dejinta bacaha iyo xeerka furashada xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 38 xildhibaan ayuu goluhu si aqlabiyad leh ku meel mariyey labadan qodob, iyagoo sheegay in dood dheer kadib ay isla qaateen in ay xeerarkan sida ugu dhaqsaha badan u meel mariyaan maadaama ay yihiin kuwo lagama maarmaan ah saameyn weynna ku leh bulshada dhexdeeda.

Isticmaalka bacaha ayaa horay waxaa uga dayriyey mas'uuliyiinta sare ee dowladda, gaar ahaan madaxweynaha oo sheegay in dowladdu ay sharci adag kasoo saari doonto, maadaama ay dhibaato weyn ku hayaan deegaanka, caafimaadka bulshada iyo nolosha duunyada la dhaqdo.

Sidoo kale goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay oo iyagu sanadihii u danbeeyey si aad ah ugu soo badanayey gudaha Puntland ayaa horay waxaa digniin uga soo jeedisey wasaaradda caafimaadka ee Puntland. Arimaha ugu waaweyn ee goobahaas lagu dhaliilayna waxaa kamid ah: in ay ka howlgalaan dad aan aqoon fiican lahayn.

Waxaana xusid mudan in sanadkan gudihiisa gacanta lagu dhigay dad ajaanib ah oo u badnaa Keenyaati, kuwaasoo sheegtay in ay dhakhaatiir yihiin, haseyeeshee markii baaritaan lagu sameeyey aqoonsiyadooda iyo weliba shahaadooyinka ay wataan, la ogaadey in ay been abuur yihiin.

Xeerarka cusub ee uu maanta golaha baarlamaanka Puntland ansixiyey ayaa noqonaya kuwo ay si aad ah usoo dhoweeyaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, iyadoo horay baarlamaanku intii lagu guda jirey sanadkan sii dhamaanaya ee 2012 ay meel mariyeen xeerar 10 kor u dhaafaya, qaar kalena ay laaleen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya