4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2012
Fannaaniin Soomaaliyeed oo uu ku jiro King Qaalid oo Magaalada Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay

Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Fannaaniinta kala ah; Qaalid Shariif Axmed (King Qaalid), Cabdixakiin Ciise Geeddi (Farayare) iyo Xasan Cujeer Cajami ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

Munaasabada soo dhaweynta oo ay soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada (CCD)0 ayaa waxaa ka qaybgalya boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray qaybaha bulshada, madaxda gobolka Banaadir, haweenka Muqdisho oo ku labisnaa dareys ka koobnaa hiddaha iyo dhaqanka iyo dhar ka sameysan calanka Somalia, barbaarta gaashaaman, fannaaniin, weriyeyaal iyo taageerayaal aad u fara badan kuwaasoo ku dhawaaqayay erayo ay kusoo dhaweynayaan fannaaniinta.

Saddexda fannaan ayaa markii ay kasoo degeen garoonka Muqdisho waxay mid-mid u gacan qaadeen dadkii soo dhaweeyay, kuwaasoo sitay boorar ay ku qornaayeen "Waan idin sugeynee soo dhawaada - Ha guuleysato xorriyadda fanka."

Fannaanka luuqda macaan ee King Qaalid oo wakiil ka ahaa saaxibadiisa kale ee la socday ayaa mar uu weriyeyaasha kula hadlayay qolka martida VIP-da ee garoonka Muqdisho wuxuu si qoto-dheer uga sheekeeyay ujeeddada booqashadooda iyo sida ay u arkaan caasimadda dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay ugu dambeysay 20-sano muddo laga joogo, wuxuuna ugu horreyn sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado magaalada Muqdisho.

King Qaalid oo ka hadlay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa sheegay in si aanay hilmaamayn loogu soo dhaweeyay Muqdisho, wuxuuna caddeeyay inta ay joogaan dalkooda hooyo inay soo bandhigi doonaan qaar ka mid ah suugaantooda Qaniga ah ee ay dadku wada jecel yihiin, isagoo ugu baaqay fannaaniinta kalena inay kusoo laabtaan dalkooda hooyo si ay shacabkooda wax ula qeybsadaan.

Guddoomiye ku-xigeenkiii hore ee gobolka Banaadir, Cabdifitaax Ibraahim Sabriye (Shaaweeye) iyo guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo iyaguna ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka fannaaniinta Qaran, waxayna xuseen inay hay'adda CCD uga mahad-celinayaan sida ay mar walba isugu hawsho qaabkii ay dalka ku keeni lahayd dadka magaca iyo sumcadda ku leh bulshada Soomaaliyeed oo ay fannaaniintu ugu horreeyaan, iyagoo intaasi raaciyay in Muqdisho ay tahay meel nabad ah oo la iman karo, sidaasi daraadeedna ay ugu yeerayaan fannaaniinta kale inay dib u soo laabtaan dalkooda hooyo oo aan lahayn qabow iyo baraf.

Hay'adda CCD ee maanta ku guuleysatay inay Muqdisho yimaadaan fannaaniintan ayaa horay waxay dalka ugu casuuntay hobalada kala ah: Jooqle Shire Jaamac, Seynab Maxamed Xaaji (Seynab Laba Dhagax) iyo kuwo kale waxaana ay hay'adda haatan ku talo jirtaa inay dalka ku martiqaado fannaaniinta kale ee weli qurbaha ku nool.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdihso, Soomaaliya