4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Hay'adda WAANO oo Muqdisho ku qabatay Munaasabad loog Mahadcelinayo Abaalmarintii la siiyay Haweeney Soomaaliyeed

Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Hay'adda WAANO oo ka shaqeynsa ka hortagga nafqo-darrada iyo taageerada haweenka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabatay xaflad loogu mahad-naqayo Maama Xaawo Aadan Maxamed oo dhawaan la siiyay abaalmarin ay ku muteysatay gargaaridda barakacayaasha.

Munaabsadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas'uuliyiin kala duwan oo ka socday qaybaha bulshada rayidka ah waxayna intooda badan abaalmarinta la siiyay Maamo Xaawo ku sheegeen inay tahay mid muhiimad gaar ah u leh haweenka ka shaqeeya xanaaneynta bulshada, gaar ahaan dadka jilicsan.

"Abaalmarintan waxay noo leedahay Muhiimad weyn, waayo gabadha la siiyay waa mid ka shaqeynaysay horumarinta barakacayaasha, runtiina howl wanaagsan oo loo baahnaa ayay qabatay," ayay tiri Cudbi Cumar Abuukar oo ah madaxa hay'adda WAANO oo xafladda mahad-celinta ah qabatay.



Maama Xaawo Aadan ayaa waxay ku dhalatay sannadkii 1949-kii magaalada Baydhaob ee xarunta gobolka Bay, waxayna lasoo shaqeysay hay'ado kala duwan oo ay ku jirto UNICEF, iyadoo sameysay ha'yad horumarisa haweenka isla markaana u gargaarta barakacayaasha Soomaaliyeed.

Abaalmarinta la siiyay abaarlamarintii ugu horreysay nooceeda oo la siiyo haweeney Soomaaliyeed, taasoo lagu magacabo: Nansen Refugee Award, waxaana abaalmarinta oo lagu bixiyay magaalada Geneva u soo guddoontay walaasheed Shukri Aadan Maxamed.

Drs. Nuurto Sheekh Maxamuud oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay inay aad u soo dhaweynayso haweeney Soomaaliyeed oo abaalmarintan la siiiyo, waxayna sheegtay in xannaaneynta dadka jilicsan lagu helayo abaalmarinno kala duwan iyo ajar Alle xaggiisa ah.

Mid ka mid ah murashaxiintii u tartamay xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Ibraahim Cali Xuseen oo isaguna goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sida ay u wanaagsan tahay in qof barakac ah ama qoxooti loo caawiyo.

Asli Ismaaciil Ducaale oo iyaduna ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in haween fara badan ay horay u qaateen abaalmarinno kala duwan ee caalamiga ah, kuwaasoo ay ka xustay Drs. Xaawo Cabdi Dhiblaawe, xildhaanad Caasho Xaaji Cilmi, Xaliimo Cabdi Caruush iyo Maryan Xuseen Awreeye, iyadoo sheegtay in haweenkaas ay abaalmarinnada ku heleen kaalmeynta shacabkooda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxaa abaalmarin loogu talogalay Maamo Xaawo Aadan ka bixiyay goobta hay'adda WAANO waxaana guddoonsiisay Sahro Maxamed Axmed oo ka socotay hay'adda SWDC, iyadoo ay u guddoontay mar kale Shurki Aadan Maxamed.

Fannaaniin Soomaaliyeed ayaa munaasabadda kusoo bandhigay heeso ay ku cabireen wanaagga ay leedahay in la caawiyo dadka jilicsan, iyagoo sidoo kalena ammaanay Maama Xaawo oo abaalmarinta ku muteysatay u gargaaridda barakacayaasha Soomaaliyeed iyo caawinta Haweenka.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya