4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia iyo Saraakiil Booqasho ku tagay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM shalay kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab, iyadoo wasiirku uu sheegay in xaalad deggenaasho ah ay ka jirto degmadaas.

Mudane C/xakiin iyo wafdigiisa ayaa maray dhulka, wuxuuna sheegay inay si nabad-galyo ah ku tageen degmada Jowhar ayna dadka ku nool degmadaas si wanaagsan u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan degmada Jowhar safarkaygii ugu horreeyay ku imaado aniga oo ay i wehlinayaan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, xaaladda degmada way wanaagsan tahay, dadkuna si diirran ayay noosoo dhaweeeyeen," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula wareegeen iyadoo aanu wax dagaal ah oo weyn dhicin, waxayna degmadan ka mid noqonaysaa degmooyinkii sannadka laga qabsaday Al-shabaab.

"Qorshuhu waa mid ciidan, balse qorshaha degsan waa in ciidamada dowladda ay u sii gudbaan gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buulo-burte oo daris la ah gobolka Shabeellada dhexe," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ka jawaabay su'aal ahayd in howgalku uu sii soconayo in kale.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa waxay tan iyo sannadkan deegaanno badan kala wareegeen Al-shabaab; waxaana goobaha ay la wareegeen ka mid ah degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose oo 90-km dhinaca Koonfureed ka xigta Muqdisho.

Ugu dambeyn, dadweynaha ku nool degmada Marko ayaa sheegay in xaaladdu ay maanta tahay mid deggen, sidoo kalena aysan jirin wax dhibaatooyin ah ciidamadu ay u geysteen, waxaana maanta dib u furmay goobaha ganacsiga oo illaa shalay xirnaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya