4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Rag hubeysan oo Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi-Bair dalka Kenya ku dilay Askari iyo qof rayid ah

Isniin, December 10, 2012 (HOL) —Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya ku toogtay Askari katirsan ciidamada ammaanka Kenya iyo qof rayid ah, iyadoona sidoo kale dhaawac gaarsiiyay mid kale.

Ninka dhaawacmay ayaa la sheegay in xabadda ay ka haleeshay madaxa, waxaana la dhigay isbitalka guud ee magaalada Garissa si loo daweeyo.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka waqooyi bari Kenya Philip Tuimur ayaa sheegay in xilligii uu weerarka dhacay askariga iyo sedex nin kale oo rayid ah ay fadhiyeen afaafka hore ee tukaan, halkaaas oo ay ku qayilayeen, wuxuuna xusay in mid kamid ah afartooda uu goobta ka tagay kahor inta uusan weerarka dhicin.

Kooxaha weerarka fulinayay ayaa rasaas ooda oga qaaday sedexdii nin ee halkaasi ku sugnayd taasoo sababtay dhimashada askariga iyo mid kamid ah raggii halkaasi ku sugnaa iyadoona uu dhaawac madaxa ah soo gaaray  kii sedexaad oo isagu ahaa milkiilaha tukaanka ay horfadhiyeen.

Mr. Tuimur ayaa sheegay in aysan jirin cid ilaa hadda loo qabtay dhacdadaasi, haseyeeshee wuxuu xusay in ay socdaan baaritaanno.

Sarkaal sare oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in raga weerarka fuliyay ujeedkooda ahaa in ay dilaan askariga, wuxuuna sheegay in ay ka toogteen meel aan sidaa uga fogeyn halka ay fadhiyeen sedexda nin.

“Kadib markii uu baxay mid kamid ah raggi meesha joogay, waxa yimid kooxihii hubeysnaa waxayna madaxa ka toogteen raggii halkaasi ku sugnaa iyagoo aad ugu dhow, wayna isaga baxsadeen goobta iyagoo aan waxba qaadan,” ayuu sarkaalka hadalkiisii raaciyay.

Sida ay saraakiisha booliska sheegeen kooxaha weearka fuliyay ujeedkooxa wuxuu ahaa in ay dilaan askariga goobta ku sugnaa, waxayna sheegeen in raggan kale ay haleeshay xabadihii ay furayeen.

Dhinaca kale ciidamada Booliska Kenya ee deegaanka Ceelwaaq oo hoostaga degmada Mandera ayaa gacanta ku dhigay nin sitay 16 qori oo nooca G3-ga loo yaqaan iyo rasaas.

Ninka oo ay jinsiyadiisu tahay Soomaali, da’diisuan tahay 53 jir, laguna magacaabo Bishaar Aadan Buure ayay boolisku sheegeen in uu hubka ku waday Kareeto islamarkaasina uu doonayay in uu u gudbiyo magaalooyinka Mandera, Garissa iyo Nairobi si loogu fuliyo howlgallo aan la garanayn.

Ninkani oo imika ku xiran magaalada Ceelwaaq ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa la filayaa in maxkamad lasoo taago maanta oo isniin ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi – Kenya