4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2012
Qarax Ciidamada Itoobiya lagula eegtay Magaalada Baladweyne iyo Rasaas ay fureen oo dhimasho Sababtay
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada Itoobiya kaddib markii qarax miino saakay ciidamadaas oo howgal ku jira lagula eegtay xaafadda Irid Aamin ee degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo ahaa miino ayaa waxaa si weyn looga maqlay gudaha Baladweyne oo xilligaas aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah, lamana oga khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Itoobiya weerarkaas qaraxa ah ee lala beegsaday.

Goobjoogayaal ku sugan Baladweyne ayaa u sheegay HOL in qaraxa kaddib ay fureen ciidamada Itoobiya rasaas aad u fara badan, taasoo sababtay inuu qofka rayidka ah ku dhinto.

Degmada Baladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan ayay ciidamada Itoobiya ka sameeyaan subax walba baaritaanno, iyadoo mas'uuliyadda qaraxa maanta ay sheegatay Xarakada Al-shabaab oo sarkaal u hadlay uu sheegay inay ku dileen askar Itoobiyaan ah.

Maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaan ka hadlin qaraxii saakay lagu weeraray ciidamada Itoobiya, iyadoo sidoo kalena aan looga baran saraakiisha Itoobiya inay ka hadlaan qaraxda lala beegsado.

Xaaladda degmada Baladewyne ayaa hadda deggen iyadoo ay ciidamada Itoobiya ku qaqbqabteen baaritaano ay sameeyeen dad fara badan, inkastoo ay qaar ka mid ah ay markii dambe iska sii daayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya