4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2012
Kulan lagu xusayay sannad-guuradii 1-aad ee kasoo wareegtay Markii ay Al-shabaab ka baxday Muqdisho oo lagu qabtay Wardhiigley

Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Kulan loogu hadlayay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii kooxda Al-Shabaab ay ka baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii qabsoomay iyo horumarka ay ku tallaabsatay Muqdisho iyo sida loo adkeyn karo ammaanka.

Mas'uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir, ururrada haweenka, boqollaal dadweyne iyo marti sharaf ayaa ka qaybgalay munaasabadda loogu dagaal degayo sanad kaddib isbadaladii ka dhacay Muqdisho markii Al-Shabaab laga saaray.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo Cabdulqaadir Axmed ayaa furitaankii kulanka ka jeedisay khudbad, waxayna sheegtay in heerar kala duwan ay Muqdisho soo martay, ayna degmada sannad ka hor ahayd meel maran balse ay hadda tahay meel ay dadkii ka barkacay kusoo laabteen.

"Waa in degmooyinka gobolka la isugu xiro saddex-saddex degmo si amaanka lagu xaqiijiyo, shacabkana waa inay soo sheegaan kuwa dhibaatada ka wada," ayay tiri  Deeqo C/qaadir oo sheegtay in habeen iyo maalin ay u taagan tahay sidii amniga lagu xaqiijin lahaa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka mid ahaa madaxdii ka qayb-galay kulanka ay isugu yimaadeen shacabka wuxuuna khudbad uu halkaasi ka jeediyay si faahfaahsan uga hadlay dhaqamada Al-Shabaab, isagoo uga mahad-celiyay hay'adda wadahadalka bulshada CCD oo ku ammaanay qabashada kulammada noocan oo kale ah.


Mudane Tarsan wuxuu sheegay in Al-Shabaab aysan ka shaqeyn shan arrimood oo diinta Islaamka loosoo dejiyay kuwaasoo kala ah: in la badbaadiyo sharafka dadka, hantidooda iyo badbaadinta nafta bani'aadamka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay hees cusub oo loo qaaday Muqdisho, taasoo ay madaxa haweenka hay'adda CCD Sahra Maxamuud Amiin guddoonsiiyay duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Tarsan.


Dhinaca kale; waxaa halkaasi khubado ka jeediyay, Sahra Amiin, Jawaahir Baarqab iyo afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf iyagoo si kala duwan uga hadlay wixii qabsoomay sannad kaddib markii Al-shabaab ka baxday Muqdisho.

Mas'uuliyiintan ayaa waxay kaloo sheegeen in shacabka Muqdisho laga doonayo in ay ka shaqeeyaan nabadda degmooyinka gobolka iyo horumarka caasimadda dalka ee Muqdisho.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya