12/6/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2012
Filimada Soomaalida ee casriga ah ee qurbaha lagu jilayo oo sii kordhaya
Nabiil2.jpg
Khamiis, August 09, 2012 (HOL) - Soomaalida ayaa sannadihii hore ay ku yaraayeen jilitaanka filimada casriga ah, iyadoo la samayn jiray riwaayado lagu soo bandhigo masraxa oo kaliya.

Markii ay Soomaaliya dagaallada sokeeye ka dhaceen ayaa Soomaali badan ay u qaxeen dhanka wadamada reer Galbeedka, iyagoo bilaabay samaynta aflaam casri ah oo ka turjumaya waaqica dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, kuwaasoo intooda badan ay alifeen dhalinyaro iskood isu xilqaamay oo doonaya inay ku cabiraan filimadan is faham la,aanta qoysaska iyo iska-horimaadka dhaqamada Soomaalida iyo kuwa dadka martida loo yahay ee wadamadaas ku nool.

Nabiil Nur oo kamid saxafiyiinta Soomaalida ayaa kamid dhalinyarada u weecday inay allifaan filimada cusub oo loo jilayo qaabka aflaamta casriga ah ee horay looga bartay Hollywoodka Maraykanka iyo Bollywoodka Hindiya.

Isagoo dhawaanahanba ku sugnaa magaalada Nairobi ayuu soo booqday xafiiska Hiiraan Online, wuxuuna ka warbxiyay fikrada ka dambaysay tallaabada uu qaaday.

Nabiil ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay inay soo jiitaan jiilalka cusub ee Soomaalida oo uu doonayo inay ka weecdaan filimada ajnabiga, ayna u soo bandhigayaan filimaan casri ah oo ilaalinaya luuqada, qiyamka iyo dhaqanka Soomaalida oo uu ku tilmaamay in loo baahanyahay in jiilasha cusub fursad loo siiyo inay daawadaan filimaan cusub oo ka badalan qaabkii hore oo ku ekaa oo kaliya riwaayadaha masraxa lagu jilo oo dhalinyarada haatan joogta aan u cuntamaynin. Hadaba filimada Nabiill Nur uu sameeyay ayaa waxaa waxaa kamid ah WALAALAHA,QALALAASAHA iyo kuwa kale oo ay dhawaan soo bandhigayaan oo inta badan

Nabiil.jpg
Filim sameeye Nabiil Nuur
dadka Soomaalida ah gaar ahaanna dhalinya du u arkaan kuwo la jaanqaadi kara xilliga haatan lagu jiro.

Wuxuuna sheegay in Nairobi uu yimid inuu kusoo bandhigo filim cusub oo la baxay Dhig ama dhaqo.

Hadaba filimka la magic baxay dhig ama dhaqo ayaa lagu soo bandhigi doonaa Nairobi 19ka bishan august oo ku began maalinta ciida. Filimkan dhig ama dhaqo ayaa waxaa laga daawaday wadamada Sweden, Denmark finland, UK, iyo goobo kale oo kale badan, fariinta uu filimku wada ayaa ah mid lagu wacyi galinayo dhalinyarada soomaaliyeed xaga guurka,furitaanka iyo diinta.

Waxaana Nabiil uu sheegay inay uu ku rajo waynyahay inuu yagleelo shirakad filimaanta Soomaaliga ah  kobcisa, sarena u qaada tayada filimada Soomaaliga (Somali Film Industry ).

 
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
8/9/2012 8:19 PM EST
Jimco, August 10, 2012-Kulan ay guddiga amniga qaranka maanta ku yeesheen xarunta madaxtooyada oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa laga soo saarat go’aanno ku saabsan ammaanka dalka iyo marxaladda dalku marayo.

8/9/2012 10:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed ay soo saareen 13-murashax oo ka mid ah kuwa u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa waxay kusoo ban-dhigeen inay ku dhiseen isbahaysi ay ugu magacdareen isbahaysiga isbedel-doonka Qaranka, iyagoo sheegay inay hal xubin u dooran doonaan ka qaybgala doorashada dhacaysa 20-ka bishan.

8/9/2012 9:31 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada Itoobiya kaddib markii qarax miino saakay ciidamadaas oo howgal ku jira lagula eegtay xaafadda Irid Aamin ee degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

8/9/2012 9:31 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inay si weyn u adkeyn doonaan ammaanka Muqdisho inta lagu jiro doorashooyinka; isagoo xusay in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin xaqiijinta ammaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.

8/9/2012 9:20 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Guddiga farasamada ee xulista xildhibaannada cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inay maalinta berri ah ku dhawaaqi doonaan tirada xildhibaannada ay hayaan, iyadoo ay weli jiraan cabashooyin ku aaddan sida lagu xulay xildhibaannada oo ka imaanaysa beelaha qaarkood.

8/9/2012 8:36 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Kulan loogu hadlayay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii kooxda Al-Shabaab ay ka baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii qabsoomay iyo horumarka ay ku tallaabsatay Muqdisho iyo sida loo adkeyn karo ammaanka.

8/9/2012 8:24 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa degmooyin cusub ku kordhiyay gobollada Bay iyo Bay, iyadoo lagu shaaciyay magacaabista degmooyinkan wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya

8/9/2012 7:10 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ugaaska beesha Cabdalla oo ka mid ah beesha Direed, C/raxmaan Xaaji Xuseen Ibrahim kana mid ah 135-oday dhaqameed ee soo xulay ergadii ansixisay dastuurka ayaa sheegay in lagu diiday xildhibaanno uu u xulay inay ka mid noqdaan baarlamaanka soo socoda ee Soomaaliya.

8/9/2012 7:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ayaa ku dhintay rasaas ay ciidammo ka tirsan DKMG ku fureen dad dhigayay dibadbax ay ku taageerayaan imaanshaha ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, iyadoo ay rasaastaas ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.

8/9/2012 5:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada dhexe ee dowladda KMG ah, Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa ka badbaaday qarax miino oo xalay fiidkii lagula beegsaday xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

8/9/2012 4:55 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa min 20-sano oo xabsi ah ku xukuntay toddoba dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo lagu helay dambi burcadbadeednimo, iyadoo xukunkan uu qayb ka yahay dadaalka lagula dagaalamayo burcadbadeedda Soomaaliya.

8/9/2012 3:41 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho tan iyo markii uu xilka iska casilay sannadkii hore, isagoo ka mid ah murashaxiinta u tartamaya doorashada madxnimo ee dalka.