4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Maamulka Degmada Hurwaa oo dib u furay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Dayax
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa maanta dib u howlgeliyay suuqii xoolaha lagu iibin jiray ee Dayax, isagoo sheegay in ammaanka suuqaas uu yahay mid la isku halleyn karo.

Ganacsatada suuqaas ayaa iyaguna sheegay inay aad u soo dhaweynayaan dib u furidda, iyadoo qaar ka mid ah ganacsatada oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen inay in dhawaalaba sugayeen dib u furidda suuqa xoolaha ee Dayax.

"Dib u furidda suuqa xoolaha ee Dayax waxay muhiimad gaar ah ugu jiraa ganacsatada xoolaha oo markii hore xoolahooda u iib-geyn jiray degmooyin kale," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Huriwaa.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in amaanka degmada ay tahay mid aad u wanaagsan, kaddib markii la qabqabtay askar fara badan oo uu sheegay inay dhib u geysan jireen shacabka degmadaas ku nool.

"Waxaan ku faraxsannahay in dib loo furo suuqa xoolaha ee Dayax, runtii dhibaato weyn ayaan ku qabnay xoolaha nool oo aan u geyn jirnay suuqyo ka fog halkaan, waxaana taas naga soo gaari jirtay khasaarooyin kala duwan," ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada xoolaha nool oo saxaafadda kula hadlay suuqa la furay.

Suuqan oo lagu iibin jiray xoolaha nool tan iyo markii ay maxkamadihii Islaamka la wareegeen awoodda Muqdisho ayaa wuxuu ku xirmay dagaalladii u dhexeeyay Al-sabaab iyo dowladda KMG ah, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay DKMG ah dib u furto suuqan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya