4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Beesha Gaaljecel oo kasoo horjeesatay xubno loo gudbiyay guddiga soo xulista Baarlamaanka

Talaado, Ogoosto 07, 2012— Beesha Gaaljecel oo ka mid ah beelaha Hawiye ayaa si weyn u diiday liis la sheegay in ay ku qornaayeen shaqsiyaad loo magacaabay in ay beesha u metelayaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee lagu mashquulsan yahay soo xulitaanka xubnihiisa.

C/raxmaan Ugaas C/llaahi ugaas Muxumad oo ah wiil uu dhalay Ugaaskii beesha Gaaljecel oo dhawaan geeriyooday ayaa Axaddii waxaa uu gudbiyay guddiga soo xulitaanka Baarlamaanka shan qofood oo uu u magacaabay in ay xildhibaano noqdaan. C/raxmaan Ugaas C/llaahi ayay nabadoonno, siyaasiyiin iyo wax garad ka tirsan beesha Gaaljecel eek u sugan magaalooyinka Muqdishi iyo Beledweyne ku eedeeyeen  in uu hareer maray dhammaan talooyinkii, rabitaanka iyo go’aannadii beesha ee ku aaddan soo xulitaanka xubnaha cusub ee Soomaaliya.

Laakin  guddiga farsamo ee loo saaray soo xulista xildhibaanada ayaa dib ugu soo celiyay C/raxmaan Ugaas C/llaahi liiskii uu magacaabay kaddib markii ay ka daba timid qeylo-dhaan iyo diidmo xooggan oo ay muujiyeen siyaasiyiinta iyo nabaddoonnada beesha Gaaljecel.

Siyaasiyiin iyo nabadoonno shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay  in magacyada uu gudbiyay C/raxmaan Ugaas C/llaahi in aanan loo marin tubtii saxda aheyd, sidaas darteedna aysan ahayn xubnahaas kuwii metelayay beesha.

Qeylo-dhaantan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan iyadoo beelaha Soomaaliyeed badankood aysan raacsayn xubno loo gudbiyay guddiga soo xulista baarlamaanka, iyadoo sidoo kalena ay beelaha qaarkood diiddan yihiin in ay meel cad iska dhigaan xubnaha loo qoondeeyay haweenka Soomaaliyeed.

Beesha Gaaljecel ayaan aheyn beeshii ugu horeysay ee isku khilaafta soo xulista xildhibaadanada ka mid noqonaya baarlamaanka cusub taasoo laga yaabo in ay dib u dhigto soo xulitaanka  baarlamaanka cusub iyo doorashada madaxda dowladda cusub ee Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in nabadoonada beesha Gaaljecel ay u gudbiyeen guddiga farsamada ee loo saaray soo xulista xildhibaanada qoraal ay ka dhan ah C/raxmaan Ugaas C/llaahi oo la sheegay in uusan daganeen dalka balse ku nool yahay dalka New Zealand.

Beesha Gaaljecel ayaan aheyn beeshii ugu horeysay ee isku khilaafta soo xulista xildhibaadanada ka mid noqonaya baarlamaanka cusub taasoo laga yaabo in ay dib u dhigto soo xulitaanka  baarlamaanka cusub iyo doorashada madaxda dowladda cusub ee Soomaaliya.