4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Beelaha Soomaalida qaarkood oo kasoo horjeestay qaabka loo xulayo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Beelaha Soomaalida qaarkood ayaa aad uga soo horjeestay qaabka loo xulayo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya, waxaana beelaha cabanaya ka mid ah beesha Gaaljecel oo eedeyn u jeedisay wakiilka ugaaskooda.

Xubno ka hadlay kulan ay beeshan shalay ku yeelatay Muqdisho ayay ku sheegeen in wakiilka Ugaaska Gaaljecel uu gudbiyay liiska xildhibaannada baarlamaanka uga mid noqonaya beesha, iyagoo sheegay xubnahaas aysan iyagu soo wakiilan.

Sidoo kale. waxaa jira beelo kale oo ay ka mid tahay beesha Cayr oo kulan ay ku yeesheen iyaguna Muqdisho ka sheegay in wakiilka ugaaskooda uu gudbiyay liis aysan isku raacsanayn beesha, waxaana beelahan ay ku eedeeyeen wakiillada in laga iibsaday boosaska, balse xubnaha ay gudbiyeen aysan ahayn kuwii beelahooda ay wakiisheen inay uga mid noqdaan baarlamaanka.

Maalmahan ayaa waxaa soo baxayay cabashooyin noocan oo kale ah, kuwaasoo ay jeedinayeen beelaha qaarkood, iyadoo guddiga farsamo ee fududeynaya soo xulista xildhibaannada baarlamaanka ay sheegeen in xulista xildhibaannada cusub ay marayso meel gabo-gabo ah.

Dhanka kale, waxaa iyaguna jira cabashooyin ay haweenku ka qabaan inaysan heli karin saamigii ay ku lahaayeen baarlamaanka oo 30% ah, iyadoo mas'uuliyiin ka mid ah haweenka ay sheegeen in beelaha qaarkood ay diideen inay haween u dirsadaan kuraasta ay ku leeyihiin baarlamaanka.

Guddoomiyaha ururka SSWC, Caasho Xaaji Cilmi oo la hadlaysay maanta BBC ayaa sheegay in walaac xooggan ay ka qabaan in la helo saamiga haweenka ay ku leeyihiin baarlamaanka cusub ee soo socota.

Hadalladan ayaa waxay imaanayaan iyadoo madaxda DKMG ah iyo danjire Augustine Mahiga ay ku celceliyeen in xulista xildhibaannada baarlamaanka ay noqoto mid ka hufsan nin jeclaysi iyo eex, sidoo kalena haweenka la siiyo saamiga ay ku leeyihiin baarlamaanka cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya