4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo Guddoomiye cusub u Magacowday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday maamulka sare ee Xarakada Al-shabaab ayaa xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali, iyadoona xilkaasi loo magacaabay Gudoomiye cusub.

Wareegtadan xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Kismaayo ayaa kasoo baxday xafiiska xarakada Al-shabaab u qaabilsan dhanka maamullada gobollada ay gacanta ku hayaan, waxaana gudoomiye cusub loo magacaabay Sheekh Axmed Xabeeb oo hore u ahaa gudoomiyaha Al-shabaab ee Degmada Jamaame.

Illaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee Jubooyinka oo faahfaahin ka bixiyay wareegtada kasoo baxday maamulka sare ee Al-shabaab ee gudoomiyaha cusub loogu magacaabay magaalada Kismaayo.

Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa hayay xilka gudoomiyenimo ee magaalada Kismaayo mudo sedex sano ah, waxaana xilkaasi loo magacaabay horaantii sanadii 2010 kadib isku shaandheyn ay xarakada Al-shabaab ku sameysay maamulkii xiligaasi ka dhisnaa gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya