4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo xalay la kulmay Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM

Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan kula yeeshay madaxtooyada Somalia saraakiisha ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo uga mahadceliyay guusha ay ka gaareen dagaalladii ay Muqdisho kula galeen Al-shabaab.

Kulankan oo ahaa casho isla markaana ahaa mid loogu dabbaal-dagayo sannad kaddib markii ay Al-shabaab ka baxday Muqdisho waxaana ka qaybgaleen wasiirro, xildhibaanno iyo xubno kale oo dowladda ka mid ah, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa saraakiil ay ku jiraan haween ka tirsan cidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

“Farxadda aan hadda heysano waa mid muhiim ay tahay in la muujiyo; waxaan rabaa inaan si kal iyo lab ah ugu mahad-celiyo ciidammada AMISOM oo runtii dhiig badan u bixiyay si ay inoo taageeraan - waayo waxay halkaan (Soomaaliya) ku waayeen rag badan oo muhiim u ahaa saraakiilna ay ku jireen, kuwaasoo aan ka xusi karo taliyihii ciidammada Burundi. Guushanna kuma imaan fadhi iyo sheeko," ayuu madaxweyne Shariif ka sheegay kulanka.


Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Al-shabaab lala galay dagaal aad u adag, isagoo sheegay in haddii aan dagaalkaas lala geli lahayn aysan Muqdisho ahaanteen sida ay maanta tahay, wuxuuna shacabka ku boorriyay in laga doonayo inay fahmaan in ciidamada AMISOM asy guushaas ku leeyihiin kaalin weyn.

“Markii aan qabtay xilka madaxnimo ee dalka waxaan dadaal badan ku bixinay sidii loo abuuri lahaa wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah, kadibna Alle mahadii waan ku guuleysannay inay labad ciidan dhex-marto wadashaqeyn iyo is-faham buuxa. Iska daa ciidamada maanta waxaa hubaal ah in shacabka iyo AMISOM ay isfahamsan yihiin," ayuu yiri Shariif Sheekh.

Howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayuu madaxweynuhu ku sheegay inay tahay mid muhiim u ah shacabka iyo xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay inay shacabku 95% taageersan yihiin in ciidamada AMISOM ay ka howgalaan Somalia.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay 06-Ogoosto, isagoo sheegay inay tahay maalin qiimo leh; maadama ay dowladda KMG ah ku guuleysantay inay ka taliso Muqdisho oo dhan.


“Haddii Muqdisho aysan ammaan ahaan lahayn laguma qabteen shirarka ka dhacaya ee lagu hirgelinayo heshiiska tubta nabadda ama Roadmao-ka, xoreynta Muqdisho waxay gacan weyn ka geysatay hormarka dowladnimo,” ayuu Madaxweynuhu ku yiri hadal uu kulanka ka jeediyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in la doonayo in afarta sano ee socda la doonayo in Soomaaliya oo dhan ay noqoto meel nabad ah, sidoo kalena wuxuu sheegay iay doonayaan in ciidammada dowladda oo dhan la dhiso gaar ahaan kuwa xoogga dalka, lana dhiso hay'adaha kala duwan ee dalka oo burbursanaa muddo ka badan 20-sano.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka gacmaha is-qabsadaan, una istaagaan hormarka dalkooda; ayna iska kaashadaan sidii ay khayraadka dalka ku jira uga wada faa'iideysan lahaayeen.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirrada arrimaha gudaha iyo difaaca DKMG ah ee Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud iyo Xuseen Carab Ciise waxayna labaduba sheegeen in ammaanka Muqdisho uu ku yimid dhiig badan oo daatay, iyagoo sheegay inay weli dadaal ugu jirto dowladdu sidii caasimadda loo xasilin lahaa.

Iyadoo hal sano ay kasoo wareegtay markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho ayaa waxaa haddana weli caasimadda ka dhacay iskahorimaadyo, dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay geysanayaan xoogagga Al-shabaab.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya