4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2012
Ciidamada DKMG ah, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billaabay Jubbooyinka
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) —  Xiisado dagaal ayaa maanta laga dareemayaa degmooyinka Afmadow iyo Badhaadhe halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo garab ka helaya Militariga Kenya ee dhawaan ka mid noqday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamadan huwanta ah ayaa wado dhaqdhaqaaqyo aad u xooggan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan saldhigyada ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin gobollada Jubooyinka.

Gudoomiyaha degmada Afmadow C/kariin Cumar Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa degmooyinka ay ka arimiso Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka.

"Dhaq dhaqaaqyadii lagu wajihi lahaa magaalada kismaayo hadda way bilowdeen, ciidamadu way diyaar garoobeen, waxbo uma dhimana dhanka afmadow iyo badhaadhe isku mar ayaa laga dhaqaaqayaa," ayuu yiri gudoomiyaha degmada Afmadow.

Degmada Afmadow iyo deegaanada ku xeeran ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada iyo diyaargarowga dagaal ee ay wadaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya, waxaana ciidamadan huwanta ah ay qorsheynayaan duulaan kama danbeys ah oo ay ku qaadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xoogagga Al-shabaab ayaa dhankooda wada diyaargarow dagaal oo ay doonayaan in ay kaga hortagaan duulaanka ay qorsheynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ay ku doonayaan in ay ku weeraraan magaalada Kismaayo.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni ay sheegaan in ay duulaan ku yihiin magaalada Kismaayo, dhawaan ayay ahayd markii madaxda dowladda KMG ee Jubooyinka ay sheegeen in kahor 20-ka bishan Aug ay weerari doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya