![]() |
Rag baaskoolado ku hubeysnaa oo aan ilaa hadda haybtooda la aqoonsan ayaa la sheegay in ay falkaas geysteen, iyagoo durbadiina goobta ka baxsaday.
Laamaha amaanka ayaa waxyar kadib goobta soo gaarey, waxayna saameeyeen baaritaan kooban oo lagu raad goobayo dadkii dilka xildhibaanka ka danbeeyey, inkasta oo aysan ku guuleysan in ay cidna falkaas usoo qabtaan.
Saraakiil ka tirsan Booliska oo HOL si kooban ula hadlay ayaa sheegay in weli uu baaritaan xoogani socdo, islamarkaana aan laga hordhici karin ilaa iyo inta wax natiijo ah laga gaarayo.
Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe) oo mudo dheer ku jirey baarlamaanka, kana mid ahaa xubnaha ugu firfircoon, waxaa la filayaa in gelinka danbe ee maanta lagu aaso Garoowe.
Dilalka qorsheysan ayaa ah kuwo aan horay magaalada Garoowe looga baran, wuxuuna dilka xildhibaan Shaybe kusoo beegmayaa bil kadib markii sidan oo kale loo toogtey taliye ku-xigeenkii 2aad ee Booliska Puntland.
Maxamed S. Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
