4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada Baydhabo oo la kordhiyay iyo Ciidamo weli lagu daad-gureynayo Degmadaas

Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Wararka aan ka helay degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in boqolaal askari oo AMISOM ah la geeyay degmadaas, kuwaasoo ku biiraya 100-askari oo horraantii sannadkan la geeyay degmadaas.

Ilo wareedyo ku sugan Baydhabo ayaa u xaqiijiyay HOL in ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Baydhabo la gaarsiiyay tiradooda 700-askari, iyadoo ay sidoo kale weli socoto daad-gureyntooda.

"Ciidamada Midowga Afrika waxaa lagu keenaa diyaarado maalin walba, waxayna tiro ahaan hadda marayaan 700-askari oo isugu jira kuwo ka socda dalka Uganda iyo kuwo ka socda dalka Burundi," ayuu yiri mas'uul la hadlay HOL oo diiday inuu magaciisa sheego.

Sidoo kale, mas'uulkan wuxuu sheegay in 200 oo gaadiid oo loogu talogalay inay ku howgalaan ciidamadan ay ku sugan degmada Baydhabo, kuwaasoo dhinaca dhulka lagu keenay iyagoo soo maray deegaanno ku yaalla gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa bishii Abriil ee sannadkan sheegay inay ciidamada Itoobiya ee gacanta siinaya dowladda KMG ah kala wareegayaan degmooyinka ay Al-shabaab ka saareen sida Baydhabo iyo Baladweyne, maadaama aysan ciidamada Itoobiya ka mid ahayn howgalka AMISOM.

Ciidamada Midowga Afrika ee loo qorsheeyay inay ka howgalaan gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxay gaarayaan 2,500-askari, kuwaasoo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, iyadoo Koonfurta Soomaaliya ay ka howlgalayaan ciidamada Kenya oo ku biiray iyaguna AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya