4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2012
MO Farah oo ku guuleystay tartanka orodka ee 10,000 Mitir


Sabti, August 04, 2012(HOL): Orodyahanka Mo Farah ayaa caawa taariikh Isboorti oo dhinaca orodka ah sameeyay kaddib markii uu ku guuleystay orodka 10,000 ee mitir ee ragga. Mo Farah oo u ordayay Britain ayaa wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay oo Biritish ah oo ku guuleystay billadda dahabka ah ee lagu helo orodka 10,000 mitir.

Guusha Mo Farah ee London Olympics 2012 ayaa waxay tahay mid taariikhi ah oo weliba u si gaar ah taariikh ugu ah Britain iyo guud ahaan Caalamka. Sidoo kale guusha Mo Farah ayaa waxay farxad iyo maamuus u tahay dadka Soomaaliyeed ee walba oo ay dunida ka joogaan.

Mo Farah oo intii orodkan billowdayba meel dhexe kaga jiray tartanka ayaa wuxuu soo tiigsaday hoggaanka markii ay tartanka ka harsan masaafo dhan 450 mitir oo kaliya, wuxuuna u awood sheegtay dhammaanba orodyahannadii kale ee la tartamayay, kuwaasi oo iyagu isu heystay in ay ku guuleysteen tartanka.


Markii uu soo gebageboobay tartanka orodka 10,000 ayaa waxaa Mo Farah ku soo xoomay saxafiyiintii garoonka oo sawirro tiro badan ka qaatay, sidoo kale waxaa gudaha u soo galay halkii uu ku dabaal-degayay Xaaskiisa Tania oo iyadu xaamilo ah iyo gabadhooda Rihanna, kuwaasi oo damaashaadka la wadaagay.

Mo Farah oo ku dhashay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya  waxaa uu dalka Britain tegay isagoo 8 sano jir ah kaddib markii ay dagaallada sokeeye ka billowdeen dalka Soomaaliya, kaddibna wuxuu ka faa’iideystay fursadihii uu ka helay Britain.

Mo Farah ma rabin in uu orodyahan noqdo, bedelkeedna wuxuu jeclaa in uu noqdo ciyaaryahan dhinaca Kubadda Cagta ah, laakin riyadaas ma rumoobin oo waxaa uu u rumowday tan orodka ee uu caawa u dabaal-degayo guusheeda.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]