Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellada hoose.
Mas'uuliyiinta gobolka Shabellada dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay bambaano kuwa gacanta ah oo ay caruurtu ku dheeleen ayna si lama filaan ah ugu qaraxday.
"Qaraxu wuxuu ahaa mid xooggan, waxaana bamka uu qarxay markii ay caruurtu ku dheeleen," ayuu yiri guddoomiyaha Shabeellada dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow oo la hadlayay warbaahinta qaraxa kaddib.
"Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen," oo intaask daray. "Dhimashadu way ka badan kartaa intaas waayo dhaawacyo badan oo halis ah ayaa jira."
Degmada Balcad oo 30-km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM kala wereegeen Al-shabaab dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan.
"Waxaan maqlay qarax weyn, daqiiqado kaddibna waxaan arkay hooyooyin ooyaya," ayuu yiri Cabdifataax Maxamed oo ah goobjoog ku sugan degamda Balcad ee gobolka Shabeellada hoose oo saxaafadda la hadlay.
Macallinkii dugsiga ayaa la sheegay in xilliga uu qaraxu dhacayay uusan ku sugnayn halkaas, iyadoo ardayda ku sugnaa dugsiga ay tiradoodu ahayd 20, kuwaasoo inta ugu badan uu qaraxaas gaarsiiyay dhaawacyo halis ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Caruur ku Dhimatay Qarax Bambaano ka dhacay Dugsi ku yaalla Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe
More News
- Guddiga Farsamada oo soo saaray Liiskii ugu dambeeyey ee xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed
- Rabshado ka dhashay dil loo gaystay nin wadaad ah oo ka soconaya magaalada Mombasa ee dalka Kenya
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Marko
- Xisbiga UDUB oo Shirweynihiisii Golaha Dhexe ku doortay Musharaxiinta uga qayb-geli doona Doorashada Madaxtooyada
- Madaxda Soomaalida iyo Guddoomiyaha KMG Baarlamaanka oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub (SAWIRRO)
- Golaha Ammaanka ee UN-ka oo xayiraad saaray Wadaad Kenyan ah oo lagu Eedeeyay inuu Taageero Al-shabaab
- Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo qabsaday Deegaanka Shalaanbood oo ku dhow Degmada Marko
- Xarunta Hormarinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee CYD oo kulan Aqoon-isweydaarsi ah ku qabatay Degmada Balcad
- Madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyay Madaxweyne Shariif Sheekh inuu doonayo in Baarlamaanka ku daro Dagaal-Oogayaal
- Maxkamadda Sare ee dalka oo lagu wado inay Maanta go'aan kama dambeys ah ka gaarto Xildhibaannadii dib loo celiyay
- Tabriibayaal Soomaliyeed oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay iska-horimaad ka dhacay dalka Yemen
- Abwaan Max'ud Goox Qarboosh oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya