4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2012
Kenya iyo Shirkado shidaalka baara oo looga digay in ay shidaal ka qodaan badda Soomaaliya

Sabti, Agoosto 25, 2012 (HOL) - East African Energy Forum oo ah haya’ad Soomaali ah, isuna xilsaartay in ay difaacaan kheyradka iyo petrolka badda Soomaaliya ku jira ayaa digniin culus u diray dowladda Kenya iyo afar shirkadood oo caalami ah petrolkana qoda, iyaga oo ku tilmaamay in ay sharci darro tahay in dowladda Kenya iyo shirkadahaas isu bahaystay in ay boobaan kheyraadka badda Soomaaliya ku jira khaassatan dhulbadeedka soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya. EAEF waxay intaas ku dareen in shirkadahaan caalamigaa ay ku xadgudbeen qawaaniinta caalamigaa iyo weliba madaxbanaanida Somalia ayna shidaal ka qodanayaan badda soomaaliya.

Block badeedyadaan la damacsan yahay in shidaalka laga qoto waxaa iska leh jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana cadeeyanaya sharciga badaha caalamiga ee soo baxay 1982kii kana soo baxay xiriirka caalamiga ee badaha(UNCLOS). Sidaa daradeed isku daygaan Kenya ku beecineyso badda somaaliya waxay lid ku tahay qawaaniinta caalamiga ah sidaana waxaa yiri cabdullaahi maxamuud oo ah madaxa hay’adda EAEF ee isu xilsaartay in ay difaacdo shidaalka iyo kheyraaka badda Somaliaya.

Wuxuu cabdulaahi intaas ku daray blockyada Kenya ay beecsatay waxay kala yihiin L21, L23 iyo L24 oo ay ka iibsatay shirkadda Eni ee talyaaniga laga leeyahay. L22 oo iyana ay ka iibsatay Total oo Faransiiska laga leeyahay. Waxaa kaloo jirta in L5 ay ka iibsatay shirakadda lagu magacaabo Anadarko oo mareykanka laga leeyahay. Ugu danbayn Block-ga L26 wexey dowladda Kenya ka iibsatay shirkadda Statoil oo iyana laga leeyahay waddanka Norway.

Koxdaan u istaagtay in ay difaacdo kheyraadka Soomaaliya ku jira waxay uga digaysaa shirkadahaan caalamiga ah haddii ay ku sii adkeystaan in ay badda soomaaliya shidaal sharcidarro ah ka qotaan in mustaqbalka laga mamnuuci doono in ay ka qayb qaataan qodidda shidaalka soomaalya oo lagu qiyaasay in uu aad u baaxadweyn yahay kasoo aan weliba laga faaiideysan. Madaxa haya’addu wuxuu timaamay in ay u adeegsan doonaan sharciyaqaanadooda, sharci ciqaab ahna la marsiin doono shirkadahaas goortii la qabto.

Waxaan kula talineynaa  shirkadahaan aan kor ku soo xusnay  in ey maraan wadada saxda  ah toosna ula xiriiraan ugu horeyn  dowladda Soomaaliya oo sharci u leh iibsiga iyo shidaal ka qodista block badeedyada aan kor ku soo xusnay. Ma aha in shirkado qowleysto ah iyo waddamo dano gaar ah leh  ey ka faaideystaan kheyraadka  waddan kale leeyahay iyagoo  hamigoodu yahay maal kororsi iyo dano kaleba oo loo qadan karo gumeysi cusub.

“Ujeedadayadu ma ahan in aan shaki gellino xadka soomaaliya ee waxaan hubnaa in lagu soo xadgudbay xadka soomaaliya ee ka sharciyeysan qawaaniinta adduunka kaaso ay kenyaba ka mid tahay saxiixayaashiisa. Waxaana sida ugu dhaqsaha badan ka gudbineynaa dacwad cidda ku soo xadgudubtay badda soomaaliya, waxaanna u direynaa dacwadaan maxkamadda caalamiga ah ee badda ee u taal Hamburg, germany.”Madaxa hay’addu waxaa uu intaas ku daray in ay haboon tahay in shirkadaha batroolka iyo kenyaba dib uga laabtaan kala iibsiga badda soomaaliya.

Waxaan mustaqbalka ku dadaaleynaa in aan maxkamadaha caalamiga ah kuwa ugu sareeya aan la istaagi doonno cid walba oo isku dayda in si sharci darro ah ay u baartaan kheyraadka badda soomaaliya waxayna nagala kulmi doonaan iska caabin adag anaga iyo sharciyaqaanada naga caawiya dhanka sharciyada badaha.

Ugu danbayn kooxdaan isu xilsaartay difaacidda shidaalka soomaaliya waxay tibaaxday in dhulbadeedka Kenya ay ka beecsatay shirkadaha shidaalka qoda in uu la egyahay 116,000 oo km oo iskuwareeg ah kaasoo qiyaas ahaan la eg waddanka Griigga.

Hayadda East African Energy Forum waa haya’ad caalami ah oo isu xilsaartay in ay difaacdo kheyraadka badda soomaaliya.

Wixii faafaahin dheeraad ah kala xiriir emailka:   [email protected]