4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2012
Guddiga Farsamada ee Xulida Baarlaaanka oo sheegay in Xildhibaannada ay hayaan ay kor u dhaafayso 250 xubnood
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamanaka ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in tirada xildhibaannada ay hayaan ay gaarayso 254 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka mudane ee kuraasta baarlamaank ay ka kooban tahay.

Xubno u hadlay guddiga ayaa sheegay in tirada harsan ay filayaan inay maalmaha soo socda lasoo dhameystiri doono, waxayna guddigu sheegeen in xildhibaanadan la dhaarin doono maalmaha soo socda si ay uga qayb-galaan doorashada guddoonka baarlamaanka.

Dhameystirka xildhibaannada ayaa waxaa dhawaanahan ka taagnaa muran xooggan oo uu ku lug lahaa madaxweynaha Soomaaliya, Sharifi Sheekh Axmed kaddib markii uu guddigu dib ugu celiyay odayaasha dhaqanka xubno la sheegay in loo haysto dambiyo dagaal.

Guddiga ayaa wuxuu ku howlan yahay aqoonsi siinta xidlhibaannada cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka, iyadoo uu weli ay taagan tahay cabshada haweenka ee ah inaysan helin qoondadii ay baarlamaanka ku lahaayeen.

Wararka hoose aan helayno ayaa sheegaya in xildhibaannada cusub ee aan weli la dhaarin ay ku jiraan xubno ay guddigu horay u diideen, kuwaasoo ku yimid dadaallo ay wadeen dhawaanahan madaxweynaha Soomaaliya iyo dajire Augustine Mahiga.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la doonayaa in lagu dhameystiro inta aan la gaarin doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kuraasta baarlamaanka 30% ku fariisanaya haweenka, inkastoo dhawaanahan ay haweenka kasoo baxayeen cabashooyin ku aaddan inaan tiradooda la siin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya