4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2012
Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo oo Rajo weyn ka qaba in Dowladda la dhisayo ay isbedel kusoo kordhiso Deegaankooda
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ay horraantii sannadkan ka qabsadeen Al-shabaab ayaa waxay shacabkeedu aad u rajeynayaan in dowladda cusub ee la dhisayo ay isbedel dhinaca dhaqaalaha kusoo kordhiso deegaankooda.

Degmada Baydhabo oo 245-km kaga beegan Muqdisho dhinaca galbeed ayaa dadka ku nool waxay ka cabanayaan dhaqaale la'aan, iyagoo sheegay in sidoo kale uu aad ugu yar yahay gargaarka bani'aadamnimo ee la geeyo degmadaas.

Sangaaba Sheekh oo ah hooyo haysata 10-caruur ah oo VOA-da ugu warramaysay gudaha degmadaas ayaa waxay sheegtay inay 20-kii sano ee dalka uu burburka ka jiray ka ganacsanaysay iibinta jaadka, iyadoo sheegtay in ganacsiga magaalada uu yahay mid aad u hooseeya.

"Jaadka ama Qaadku waa qaali, dadkuna ma awoodaan inay iibsadaan, waayo ma jiro daqli soo gala," ayay tiri Sangaaba. "Waan baahannahay waayo wax lacag ah kama helno ganacsigeenna."

Intii ka horreysay bishii Feberaayo ee sannadkan magaalada Baydhabo waxaa ka talin jirtay Al-shabaab, waxayna xilligaas ka joojiyeen degmadaas ganacsiga iyo cunista jaadka, inkastoo ganacsatadu ay u iibin jireen si qarsoodi ah.

"Markii ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalidu ay soo galeen degmada waxaan billownay inaan si furan jaadka ugu iibinno dariiqyada degmada, laakiin waxba ugama helno sidii hore," ayay Sangaabo hadalkeeda raacisay.

Shacabka Baydhabo ayaa sheegay in markii Al-shabaab laga saaray degmadaas ay rajeynayeen in gargaar ka yimid Muqdisho uu gaaro degmadooda, balse taasi aysan dhicin, iyagoo xusay in magaalada ay saddex sano aysan hay'adaha gargaarku ka shaqeyn, sidoo kalena Al-shabaab ay xitaa joojiyeen tallaalkii cudurka dabeysha ee ay bixin jirtay hay'adda caafimaadka dunida ee WHO.

Guddoomiyaha gobolka Bay, C/fataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) ayaa qeexay sida uu ugu careysan yahay dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inay dayaceen degmada Baydhabo, marka loo eego booqashooyinkii ay madaxweynaha iyo ra'iisul waasaruhu ay ku tageen degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ku dhow Muqdisho.

"Markii dowladdu la wareegtay Afgooye iyo Balcad si deg-deg ah ayay madaxweyaha iyo ra'iisul wasaaruhu ku tageen si ay u soo eegaan sida ay dowladdu u caawin karto," ayuu yiri Geeseey oo intaas ku daray: "Tan iyo markii Baydhabo la qabsaday bishii Feberaayo oo ay kasoo wareegtay lix bilood, ma jiro wax gargaar ah oo soo gaaray."

Deegaannada u dhexeeya magaalada Baydhabo iyo Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku haysa xarakada Al-shabaab, taasoo loo sababeynayo in gargaarka dowladda uusan gaari karin degmadaas.

"Al-shabaab waxay koontarool ku leedahay degmada Buurhakaba oo Baydhabo ku dhow, waxay ku sameynayaan baaritaan wayna kaa qaadayaan jaadka iyo sigaarka haddii ay kugu arkaan, waxayna ku sameynayaan jirdil iyagoo shan saacadood kaddibna ku sii daynaya," ayuu yiri Cali Xasan Cabdi oo ka mid ah darawallada ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Darawalkan oo wada gaari xamuul ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ayaa ka dajinayaan gaadiidka haddii ay ku arkaan xamuulka raashin ah, isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay cunno-qabteyn lagu hayo deegaannada ay dowladdu kala wareegtay Al-shabaab.
 
Guddoomiyaha gobolka Bay oo wax laga weydiiyay habka lagu xalayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay, isagoo sheegay inay wanaagsan tahay in dadka lagu tuhmayo inay dhibaatada dalka ka taagan abuureen laga joojiyo inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub, kaasoo aan rajeynayo inuu isbedel weyn ka dhalin karo dalka.

Xarakada Al-shabaab oo weli ka talinaysa dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ku jiraan hareeraha degmada Baydhabo ayaa waxay ku hanjabtay dhawaan inay la dagaalamayso dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya