4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2012
Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay in Maydka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya la Aasayo Toddobad kaddib
Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in maydka ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi la aasi doono toddobaad kaddib, iyadoo dadweynaha dalkaas loo ogolaaday inay maydka ku booqdaan qasriga Qaranka dalkaas si ay u sagootiyaan.

Afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Bereket Simon oo hadalkan sheegay ayaan si dhab ah u sheegin halka lagu aasi doono, balse wuxuu sheegay  guddi loo saaray qabanqaabada aaska Zenawi.

"Dadweynaha waxaa loo ogolaaday inay maydka ra'iisul wasaarahoodii booqdaan, si ay markii ugu dambeysay u sagootiyaan," ayuu yiri Simon oo sheegay inaysan waxba iska bedelayn siyaasadda iy xukunka dalka Itoobiya.

Ra'iisul wasaaraha xilka sida KMG ah u haya oo ah wasiirka arrimaha dibadda Xayle Maryam ayaa la sheegay inuu gudaha dalkaas sumacad weyn ku leeyahay, iyadoo aan la ogeyn in xilka loo dooran doono isaga iyo in kale.

Dalka Itoobiya ayaa tan iyo sannadkii 1991-kii xilligaas oo la riday dowladdii Col. Mingistu Haile Mariam waxaa ka talinaysay dowlad uu hoggaaminayo xisbiga EPRDF oo ahaa xibigii uu ka tirsanaa ra'iisul wasaaraha geeriyooday.

Zenawi oo 57-jir ahaa ayaa Talaadadii lasoo dhaafay wuxuu xanuun caloosha ka hayay ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Belgium; iyadoo qasriga dalkaas ay ku sugan yihiin boqolaal qof oo u barooranaya hoggaamiyahoodii geeriyooday.

Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa siyaabo aad u kala fog uga hadlay geerida Zenawi iyadoo Al-shabaab ay ku tilmaantay dhibaatadii geeska Afrika oo geeriyootay, halka madaxda dowladduna ay ku sheegeen halyeey Afrika ka geeriyooday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya