4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Gaadiid dagaal iyo Ciidammo la sheegay inay kasoo goosteen Maamulka Khaatumo oo soo gaaray Magaalada Garoowe
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo gaadiid nooca dagaalka ah oo la sheegay inay kasoo goosteen maamulka Khaatumo ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
 
Ciidankan oo ay tiradiisu ahayd 30 askari, isla markaana wata laba gaari oo tikniko ah ayaa waxaa hormuud u ahaa taliye Maxamuud Cali Xirsi (Af-gaab) oo isagu horay saraakiisha ciidamada daraawiishta ee Puntland uga tirsanaan jiray, hase yeeshee ka tagay xiligii la asaasay maamulkii SSC.
 
Taliye Af-gaab iyo ciidamadiisa oo ay saraakiisha ugu sareysa ciidamada Puntland si diiran usoo dhoweeyeen, ayaa shir saxaafadeed oo uu Garoowe ku qabtay, wuxuu kaga warbixiyey sababta ku kaliftay inay xiligan maamulka Khaatumo kasoo baxaan, dibna ugu soo laabtaan Puntland oo ay markii hore ka tageen.
 
Wuxuuna sheegay in ujeedkooda ugu weyni uu ahaa in ay danta bulshada deegaanada SSC ka shaqeeyaan, hase ahaatee ay dib ka ogaadeen in arintu aysan sidaas ahayn, kadib markii ay rag damac siyaasadeed oo fog lihi arinta soo fara geliyeen, waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
"Waxa noo muuqatay in ujeedada maamulka Khaatumo loo dhisay ay ahayd mid aan dalka iyo dadka waxba u tari Karin, oo rag siyaasiyiin ah Mandate ay ku shaqo tagaan loogu sameynayo, sidaas darteed waxaan mar labaad go’aan ku gaarnay in aan dib ugu soo laabano Puntland," waxaa sidaas yiri taliye Maxamuud Cali Af-gaab.

Waa markii ugu horeysey oo ciidamo kasoo goostay dhinaca maamulka Khaatumo ay magaalada Garoowe soo gaaraan, mana jiro wax war ah oo arintan la xiriira oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca madaxda sare ee maamulkaas.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya