4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Haweenka oo ka cabanaya Tirada ay ku yeesheen Baarlamaanka Somalia oo aad uga yar intii horay loogu Qoondeeyay
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya lambarka ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo qaybtiisii ugu horreysay; taasoo ay ku jiraan haween aad u tiro yar.

Haweenka ayaa aad uga qaylo-dhaaminaya tirada ay baarlamaanka ku yeesheen oo ay sheegeen inay tahay mid aad u yar, waxayna walaac xoogan ka qabaan inaysan heli doonin tiradii horay loogu qoondeeyay oo ah 30%.

Tiro haween ah oo ka cabanaya xubnaha haweenka ah ee ku jira baarlamanka oo aad u yar ayaa shalay oo Arbaco ahayd isugu soo baxay Muqdisho, kuwaasoo ka kala socday beelaha uu ka kooban yahay baarlamaanka cusub.

"Kuma qanacsanin tirada haweenka ah ee ku jirta baarlamaanka, waxaana beesha caalamka ka codsanaynaa in la xaqiijiyo tirada haweenka horay loogu qoondeeyay inay ka mid noqdaan baarlamaanka 275 kursi ka kooban," ayay yiraahdeen dhowr haween ah oo ka mid ahaa kuwii cabanayay.

Haweenka ayaa waxay ku dhaliilayaan odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha baarlamaanka inaysan xoogga saarin sidii haweenka ay ku heli lahaayeen xubnihii loo qoondeeyay, taasoo ay ku sheegeen mas'uuliyad-darro weyn.

Xubno haweenkan ka mid ah oo wabaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dadaal u galayaan sidii ay ku heli lahaayeen xaqooda, iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen kaalinta kaga aaddan hannaanka siyaasadda ee dalka.

Cabashada haweenkan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo hay'adaha xuquuqda aadanaha ay dhawaanahan dadaal ugu jireen sidii lagu xaqiijin lahaa in haweenku ay helaan tirada loo qoondeeyay inay ku yeeshaan baarlamaamka cusub oo saldhig u noqon doona dowladda soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya