4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Dhibaatooyin Dhinaca Nolosha ah oo ka Taagan Deegaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Diif ee ku yaal soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubooyinka, iyadoona deegaankaasi ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo ay saameeyeen dhibaatooyin nolol xumo.

Dhibaatooyinka laga soo sheegayo deegaankaasi ayaa waxaa kamid ah; cunno yari, biyo la’aan iyo weliba adeegga dhanka caafimaaadka oo aan gabi ahaanba ka jirin deegaankaasi, waxaana dadka ku dhaqan halkaasi ay bilaabeen in ay u barakacaan deegaanka Dhoobley iyo xerooyinka Dhadhaab ee Kenya.

Guddoomiyaha deegaanka Diif Karaani Caamir Qamqam oo HOL la hadlay ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan Diif ay tahay mid aad u liidato, isagoona sheegay in qoysaska qaar ay bilaabeen in ay beegsadaan deegaanada kale ee gobolka Jubada Hoose iyo xerooyinka Dhadhaab.

Dhibaatooyinka nolol xumo ee ay ka cabanayaan dadka ku dhaqan deegaanka Diif ayaa yimid kadib markii uu dhawaan jabay ceelkii ay biyaha ka cabi jireen, ilaa imikana ma jirto cid u istaagtay sidii ay dib ugu howlgelin lahayd ceelkaasi oo ay ka cabi jireen dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaankaasi.

Gobollada Jubooyinka oo ay siweyn u saameeyeen abaarihii ku dhuftay dalka Soomaaliya ayaa waxa ku nool kumannaan qoys oo ku xoolo beelay abaarahaasi, waxaana jiro deegaanno dhowr ah oo katirsan Jubooyinka oo dadka ku dhaqani ay u baahanyihiin in lala soo gaaro kaalmo biniaadanimo oo degdeg ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya