4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia oo Shaaciyay inuu u tartamayo xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya

Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo uu xildhibaan ka mid ah kuwa cusub ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaaciyay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaanno iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah murashaxiinta baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii uu xilka ku guuleysto uu isbedel ku sameyn doono dalka.


Mas'uuliyiintii iyo xubihii kale ee ka hadlay munaasabadda ayaa waxay sheegeen in burburkii dowladdii milateriga kaddib uu dalka Soomaaliya soo maray marxalado kala duwan, kuwaasoo isugu jiray dagaallo, burbur iyo barakac shacbiga Soomaaliyeed ku reebay musiibo aad u xun oo ay ka dhalatay gaajo, macluul, barakac, dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isla markaasna dowladihii isaga dambeeyay 22-kii sano ee ugu dambeeyay ee soo maray dalka intii awoodooda ah la isku dayay in wax la qabto, hase yeeshee maanta dowladda xilligeeda dhammaaday waxay soo gaarsiisay shacbiga Soomaaliyeed meel laga tallaaba-qaadi karo, sida iyadoo dalka gudihiisa lagu doortay xildhibaano Soomaaliyeed oo asaas u ah jiritaan dowladnimo, iyadoo tallaabadani ay ammaanteeda leeyihiin odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo xulay xubnaha Baarlamaanka ee saldhigga u ah dowladda rasmiga ah ee Soomaaliya.

Musharaxa jagada madaxweynaha isku soo taagay ee oo isaguna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto jagada madaxtinimada dalka uu wax ka qaban doono arrimaha: mabadgelyada, caafimaadka, dib-u-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo maamul-wanaagga.

"Haddii la i doorto afarta sano ee soo socota waxaan waxyaabaha aan wax ka qaban doono waxaa ka mid ah dhaqaalaha dalkan burbursan, waxaan abuuri doonaa mashaariic kala duwan, kaabayaasha dhaqaalaha dalka, horumarinta waxbarashada, dejinta qorshe kor loogu qaadayo dhaqaalaha gobolada iyo degmooyinka dalka si isku filnaansho loo gaaro," ayuu yiri xildhibaan Cosoble.

Sidoo kale, murashaxu wuxuu yiri: "Amni-darrada waxay caqabad weyn ku tahay soo noqoshada Qaranimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana iga go'an inaan dhiso ciidan howlkar ah oo leh agab hufan, dhaqaale iyo daryeel ku filan, tababarro lagu xaqiijinayo cadaalad iyo nidaam garsoor iyo waliba qorshe mideysan oo looga hortago falalka dembiyada ka dhaca badda iyo berriga."


Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay in waxyaabaha uu qabanayo haddii uu ku guuleysto tartanka arrimaha dhinaca sharciga, isagoo xusay in sharciugu uu yahay kan ugu sarreeya dalka, hanti-dhowr qaran oo la xisaabtama dowladda, ku dhaqanka habka wada-tashiga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo wax is-daba-marinta iyo inay ku shaqeyso dowladiisu rabitaanka shacabka iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhinaca kale; barbaarta gaashaaman ayaa waxay munaasabadda kusoo bandhigeen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, shiribyo guurow iyo maansooyin aad u soo jiitay dareenka xubnihii ka qeyb galayaasha munaasabadda.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya