4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga oo ka hadlay Dhammeystirka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya

Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka, Jen. Muuse Xasan, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Macalin Maxamuud iyo taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti, waxaana kulanka kaddib shir jaraa'id qabtay Shariif iyo Mahiga.

“Kulanku wuxuu daba socday kulammadeenii hore, waxaana ka hadalnay sidii loo dhammeystiri lahaa qaybta ka dhimman xubnaha baarlamaanka iyo mashaakilka yar ee jira sidii loo xalin lahaa, waxaana isla garanay inay lagama maarmaan tahay in la dedejiyo dhameystirka baarlamankaa inay tahay mid lagama maarmaan ah,” ayuu yiri madaxweyne Shariif.


Madaxweynaha Soomaaliya oo la weydiiyay su’aal ahayd in baarlamaanka cusub lagu darayo xubnihii ay soo celiyeen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka ay ku sheegeen inay dambi galeen ayaa sheegay inaan la oran karin cid aysan maxkamad xukumin dambiile.

"Dambi waxaa lagu xaqiijiyaan qaab la yaqaano oo ugu dambeyn ah in maxkamadi xukunto dadka, mana jiraan dad xukuman oo liiska ku jira - in dad la yiraahdo dambiileyaalna waxay u baahanaysaa in xukun maxkamadeed la keeno... waxayna waxyeeleysaa in xilligaan oo kale wax yaabo noocaas ah la dhex-galo nabaddii iyo kalsoonidii dadka (waxayna keeneysaa) dadku waxay kasoo gudbeen in dib loogu celiyo, waxay kaloo wax yeeleysaa habkii dib u heshiisiinta iyo heshiis kasta oo suuragal ah in lala galo dad kasoo horjeeda dowladda, aragtidaasna waa inay meesha ka baxdaa,” ayuu yiri Shariif Sheekh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Waa inaan isha ku heynaa horumarka nabadda, isku kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ka dhex jirta, in si nabad ah loogu gudbo marxaladda cusub, iyadoon qof, koox iyo qolo gaar ah aan bartilmaameed laga dhiganayn.”


Ugu dambeyn, dajire Mahiga oo isaugna shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay inuu kulamo la qaatay odayaasha iyo guddiga farsamada, kaddib markii uu shalay kulan la qaatay wakiilo ka socday beesha caalamka, isla markaana caawa ama ugu dambeyn berri subax la heli doono liiska xildhibaanada ka maqan baarlamaanka si isla berri loo dhaariyo.

Guddiga farsamada ayaa waxay horay liiska xildhibaannada uga saareen xubno lagu sheegay inay dambiyo galeen, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in dib u soo celinta magacyadooda dano gaar ah laga lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya