4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dad shacab ah ku toogtay Isgoyska Sanca iyo Mayd lagu arkay Suuqa Xoolaha

Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaas uu askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ku furay gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo marayay isgoyska Sanca ee degmada Karaan, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeney kale.

Laba ka mid ah dadka ku dhintay rasaasta iyo haweeneyda dhaawacantay ayaa ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga la rasaaseeyay, waxaana ku jiray dadka dhintay darawalkii gaariga.

"Askarigu wuxuu doonayay inuu dhac u geystay dadka gaariga saaran, balse rasaas ayuu ku furay gaariga kaddib markii darawalku uu ka dhego-adaygay inuu gaariga joojiyo," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa isgoyska Sanca.

Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in dhibaatadan ay ka mid tahay midda lagu hayo shacabka ku nool degmooyinka Kaaraan, Shibbis iyo Yaaqshiid oo uu kulmiyo isgoyska Sanca, iyadoo askarigii dilalka iyo dhaawaca geystay uu markiiba goobta ka baxsaday.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tagay isgoyska halkaasoo ay ka billaabeen baaritaanno ay ku raadinayaan askarigii falkan geystay, balse ma jirto sarkaal weli ka hadlay falka uu ku kacay askariga. Iyadoo horay u jireen digniino loo jeediyay ciidamada dowladda ee dhibaateeya shacabka.

Dhanka kale, maydka wiil dhallinyaro ah ayaa saakay lagu arkay xaafadda suuqa xoolaha ee degmad Huriwaa kaasoo la sheegay in kooxo hubeysan ay xalay toogteen, iyadoo dadka deegaanku ay soo sheegayaan in aan weli la aqoonsan maydka wiilkaas oo da'diisa lagu qiyaasay dhowr iyo labaatan jir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya