4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Xildhibaan C/risaaq Juurille: "Waxaan ahay musharax u taagan Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya"

Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurille) oo ka mid ah xildhibaannada barlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Jurille oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in rajadiisu ay aad u fiican tahay, isla markaana uu si aad ah ugu han weyn yahay in loo doorto guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dhawaanta la dhaariyay.

"Baarlamaanku waa hay'adda keliya ee laga dheehan karo hannaanka maamul ee dowlad walba, aniguna waxan rabaa inaan soo celiyo sharaftii iyo nidaamkii uu baarlamaan lahaan jiray, taas ayaana ah sababta igu dhalisay inaan isku soo taago xilka guddoomiyaha baarlamaanka," ayuu yiri xildhibaan Juurille.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: "Haddii aan xilkan ku guuleysto, waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii uu baarlamaanku u noqon lahaa mid si wanaagsan u guta waajibaadka loo igmaday, kana dheeraada is qab-qabsi iyo muran."

Xildhibaanka ah siyaasi weyn, xilal kala duwanna kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray, wuxuu qayb ka yahay dhowr xildhibaan oo illaa iyo hadda isu soo taagay in loo doorto jagada afhayeenka cusub ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulan ay shalay golaha cusub ee baarlamaanku ku yeesheen xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho ayay ku doorteen guddiga qaban-qaabada doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, taasoo la qorsheeyay inay dhacdo 26-ka bishan Ogoosto.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya