4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Arday ka badan 1,400 oo Maanta u fariistay Imtixaanka Ogolaashaha ama Aqbalaadda Waxbarasho ee Jaamacadda Muqdisho

Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Arday tiradoodu tahay 1,500 ayaa maanta u fariistay imtixaanka aqbalaadda ah ee Jaamacadda Muqdisho, iyadoo ardaydan ay kasoo qalin-jabiyeen dugsiyada sare ee dalka, doonaya inay waxbarashadooda horay u sii wataan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo la hadlay ardaydan ayaa ku boorriyay inay u samraan geeddiga tacliimeed ee ay Jaamacadda Muqdihso u soo doonteen.

"Waxaan u mahadcelinaynaa waalidkii idin soo barbaarshay iyo iskuulladii aad wax kasoo barateen iyo dadkii dibadaha idin ka taageeray," ayuu yiri Dr. Cali Sheekh oo intaas ku daray: "Sannadkan wuxuu kaga duwan yahay sannadihii hore iyadoo ay arday badan kasoo qaybgaleen imtixaanka qubuulka ama ogolaanshaha waxbarasho ee jaamacadda."

Ardayda ayaa waxay isugu jireen wiilal iyo gabdho, kuwaasoo aad ugu faraxsanaa inay ka mid noqdaan ardayda wax ka barta jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah Jaamacadihii ugu horreeyay ee magaalada Muqdisho iyo meelo ka mid ah dalka Soomaaliya.


"Waalidka iyo ardaydu waxay noo muujiyeen kalsooni ay ku qabaan waxbarashada Jaamacadda Muqdisho, maamulka iyo macallimiinta jaamacadduna waxaa ka go'an inay soo saaraan aqoonyahanno tayo leh oo bulshada Soomaaliyeed wax badan u qaban kara," ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo xilligaas la hadlayay ardaydii imtixaanka u fadhiday.

Jaamacadda Muqdisho oo kaalinta 29-aad ka gashay jaamacadaha Qaaradda Afrika, ayaa waxay sannad walba ardayda kasoo baxay dugsiyada sare u qabataa imtixaan ogolaasho ah si ay uga mid noqdaan ardayda wax ka barta jaamacadda.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya