4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Maanta yeelanaya Kulankoodii labaad oo lagu Magaacabayo Guddi Doorasho
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii labaad kaddib markii xalay fiidkii lagu dhaariyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayna doorteen guddoomiye KMG ah.


Kulanka maanta ay yeelanayaan xildhibaannada baarlamaanka oo ka dhici doona xarunta gaadiidka booliiska ayaa waxaa lagu magacaabi doonaa guddi doorasho oo ak shaqeeya doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa sheegay in murashaxiinta u tartamaya doorashada guddoonka baarlamaanka inay muddo shan maalmood kusoo gudbiyaan araajidooda, 26-ka bishanna ay dhici doonto dorashada guddoonka baarlamaanka.

Doorashada madaxweynaha ayaa waxaa go'aan ka gaari doona guddoonka cusub ee baarlamaanka federaalka, waxaana maanta oo Talaado ah xilka madaxnimo ee dalka si toos ah ula wareegaya baarlamaanka la dhaariyay.

Baarlamaankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay Soomaaliya yeelato tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo laga joogo 21-sano, waxaana baarlamaankan oo tiradoodu noqonayso 275-xubnood howsha kala wareegay baarlamaan KMG ah oo 550-xubnood ka koobnaa.

Xildhibaannada ka qaybqaadanaya kulanka maanta ayaa ah 211 xubnood ee xalay la dhaariyay, kuwaasoo ay ka mid yihiin ra'iisul wasaarihii Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali iyo guddoomiyihii baarlamaankii hore, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya