4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2012
Baydhabo oo si weyn looga xusay Ciidul-Fidriga iyadoo Munaasabad lagu qabtay ay ka qaybgaleen Ma'suuliyiinta Gobolka Bay

Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Munaasabadda Ciidul-fidriga ayaa si heer loogu dabaal-dagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo lagu qabtay xarunta garoonka kubadda cagta ee Dr Ayuub, waxaana tukashada Salaadda ciidda ka qaygalay mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee gobolka Bay.

Guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey) oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ciiddan ay kusoo beegantay iyadoo ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa Itoobiya ay gacanta ku hayaan degmada Baydhabo iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka.

"Annagoo ka fa’iidaysanaya fursadan ciidda waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan isuna tanaasulaan isna caawiyaan, waa in kuwa wax haysta ay farxada la qaybsadaan walaalahooda dhibaateysan ee aan wax haysan. Waxaa kaloo farxad ah in ciiddan ay kusoo beegantay innagoo rajo wanaagsan ka qabna inaan maalmaha soo socda Soomaaliya yeelato dowlad rasmi ah taasna waxay noo tahay farxad labaad," ayuu yiri Cabdifataax Geeseey.

Sidoo kale; munaasabadda waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo, Maxamed Macallin Ibraahim (Dr Dhalo) iyo maas’uuliyiin kale, kuwaasoo ka halay ahmiyadda ciiddu u leedahay, iyagoo xusay in farxaddan bulshada reer Baydhabo uu maamulka la qeybsanayo ay ugu dambeysday sanooyin badan.

Madaxa xafiiska hoggaanka shacabka ee gobolka Bay, Saabir Colaad Cabdiraxmaan Goley oo isna hadlay ayaa tibaaxay qiimaha maalinta ciidda ay leedahay, wuxuuna u mahad naqay guddi-hoosaadyada xafiiska hoggaanka shacabka oo munaasabadda soo qabanqaabiyay.

Sidoo kale waxaa munaasabadaas ka hadlay guddoomiyaha Ahlusunna ee gobolka Bay, Sheekh Xasan Cali Hilowle oo halkaasi ka akhriyay khudabada ciidda ayaa xusay in munaasabaddan ay qiimo weyn u leedahay shacabka iyo mas'uuliyiinta ku sugan Baydhabo.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda soo xiray guddoomiyaha gobolka isagoo u diray hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, isagoo sheegay in ummad kasta ay leedahay ciid iyo munaasabado waaweyn, hayeeshee uu Ilaahay ummaddan Islaamka u jideeyey laba ciidood oo kala ah ciidul-fidriga iyo ciidul-adxa, kuwaasoo ay muslimiinta caalamka oo dhan u dabbaal-dagaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya