4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2012
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Bartamaha Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ku toogtay Injineer caan ah

Inj. Cali Xaaji Shirwac oo arday ku sugan tuulada tarashinte (300) u qaybanyo qalab waxbarasho. Apr 2003 (HOL Files)
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa baqonimadii maanta ku toogtay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Inj. Cali Xaaji Shirwac iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay ka baxsadeen goobta.

Wariyaha HOL ee Baladweyne C/raxmaan Diini ayaa sheegay in injineerka ay rag ku hubeysan bastoolado ku dileen xafiiskiisa oo ku yaalla bartamaha Baladweyne, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in la dilo injineerkan oo aad looga yaqaannay gobolka Hiiraan.

"Dilka injineerka waxaa ka dambeysay Al-shabaab, madaxa ayayna xabado uga dhufteen, wuxuuna injineerku howl ka bilaabi lahaa garoonka diyaaradaha ee Baldweyne," ayuu yiri guddoomiyha gobolka Hiiraan, C/fitaax Xasan Afrax oo la hadlayay BBC-da.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka hadlayay sida ay ku ogaadeen in Injineerka ay dileen kooxo xiriiro la leh Al-shabaab ayaa wuxuu sheegay inay maalmahan u soo dirayeen marxuumka fariimo ay ugu hanjabayaan.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa howgallo ballaaran oo ay ku raadinayaan kooxihii dilka Injineerka ka dambeeyay ka billaaba xaafadaha Baladweyne, iyadoo la geeyay isbitaalka dedgmadaas oo dhinaca bari ku yaalla dad aad u fara badan.

"Kumannaan qof ayaa la isugu geeyay xabsiga degmada Baladweyne, baaritaanno ayaana dadkaas lagu sameynayaan," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraan. Axmed Cismaan Cabdalla (Inji).

Magaalada Baladweyne ayaa gabi ahaan la xiray, iyadoo aysan jirin wax dhaqaaq ah oo ay dadku sameynayaan, ciidamaduna waxay galayaan meel walba si ay u baraan kooxihii dilka geystay.

Dilkan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa dilal noocan oo ka dhacay Baladweyne tan iyo markii Al-shabaab laga saaray bishii December ee sannadkii hore, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ku saabsan dilkan oo weli kasoo baxay Al-shabaab.

Injineerka la dilay ayaa wuxuu ku takhasusay dhismaha garoommada diyaaradaha, isagoo horay u dhisay garoomada diyaaradaha, Baladweyne, Berbera, Balli-doogle iyo kuwo kale, isagoo hadda gacanta ku hayay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya