4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Matoor dab-dhaliye ah ugu deeqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho


Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa waxay shalay ugu deeqday matoor weyn oo dab-dhaliye ah isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Mas'uliyiinta shirkadda Hormuud ayaa sheegeen inay ka jawaabayeen codsi horay uga yimid isbitaalka, iyadoo martoorka lagu wareejiyay agaasimaha guud ee isbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Yuusuf.

Madaxa waaxda xiriirka guud ee shirkadda Hormuud Cali Sheekh Yaasiin (Cali fadhaa) oo faahfaahin ka bixiyay matoorka ay ku wareejiyeen isbitaalka Madiina ayaa sheegay in markii ay ogaadeen baahida koronto ee ka jirta isbitaalka Madiina ay go'aansadeen inay ku wareejiyaan martoor weyn oo dabooli kara baahida koronto ee isbitaalka.



Dr. Maxamed Yuusuf oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa uga mahad-celiyey shirkadda isgaarsiinta Hormuud sida ay codsigooda uga jawaabtay, wuxuuna sheegay in matoorradii hore oo isbitaalku isticmaali jiray ay dabooli waayeen baahida xagga dabka ah ee isbitaalka ka jirta.

"Shirkadda Hormuud waxay hormuud u tahay caawinta shacabka Soomaaliyeed iyo goobaha ay isbitaalladu ka mid yihiin, dhowr jeer oo hore ayayna isbitaalka kaalmo soo gaarsiiyeen," ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf.

Ma ahan markii ugu horreysay oo shirkadda Hormuud ay kaalmooyin gaarsiiyo qaar ka mid ah isbitaallada Muqdisho, iyadoo dhawaan shidaal iyo joodariyaal ugu deeqday isbitaallada: Banaadir, Keydsaney iyo Madiina.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya