4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2012
Deegaanada ay Al-shabaab ka taliso oo si weyn looga Ciiday iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Dagaal ku baaqay

Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Deegaannada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ayaa si weyn looga ciiday maanta iyadoo ay dadweynihii salaadda kasoo qaybgalay ay la hadleen mas'uuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Barxado waaweyn ayaa lagu tujiyay dadka iyadoo mas'uuliyiintii Al-shabaab ay ku boorriyeen dadweynaha inay ka qaybgalaan dagaalada lagula jiro ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalalka Afrika.

Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inaysan dagaallada joojinayn illaa ay guulo ka gaaraan dagaallada ay kula jiraan wuxuu ugu yeeray cadowga Islaamka oo uu ula jeeday ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afirka.


"Waxaan la idin kaga baahan yahay inaad ku dadaashaan caawinta masaakiinta iyo ka qaybgalka dagaallada lagula jiro cadowga, waayo waxay u socdaa waa inay dal iyo dad qabsadaan," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Sidoo kale, Sheekh Xasan wuxuu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay ka go'an tahay inay dagaallada sii wado inta ay ka hirgelinayaan in dalka oo dhan lagu maamulo diinta Islaamka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo isna dadweynihii kasoo qaybgalay salaadda cidda ee degmada Marko la hadlay ayaa ugu baaqay in looga baahan yahay inay xoogaggooda ku caawiyaan sidii

Hadalada ay mas'uuliyiinta Al-shabaab jeediyeen oo u badnaa kuwo ay dadweynaha ku guubaabinayaan ayaa waxay kusoo beegamayaa iyadoo Al-shabaab ay lumiyeen dhul ballaaran oo ay ka taliyaan kuwaasoo ay ku jirto magaalada Muqdisho.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya