4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2012
Magaalada Baladweyne iyo Degmooyinka kale ee Gobolka Hiiraan oo Maanta si weyn looga wada ciiday

Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta si la mid ah gobollada kale ee dalka Soomaliya waxaa looga oogay munaasabada Ciidul-fidriga.

Laga soo bilaabo kadib salaadii cishaha ee xalay ilaa saakay waabarigii hore waxaa ka socday maasijiyada ku yaala magaalada Takbiirta Ciida, waxaana ay dadku iyadoo dadku ay isku marxabeynayaan.

Guud ahaan marka la eego amaanku waxaa uu ahaa mid hagaagsan mana jirin saakay bandowgii inta badan waabariga hore ciidamada Itoobiya saari jireen magaalada si ay amaanka u xaqiijiyaan, waxaana ay ahaayeen dadweynaha kuwo si caad ah isku dhaxmarayay.

Laakiin dhinaca kale marka aad eego ma jirin goob fagaaro ah oo ay dadku si wadajir ah ugu oogeen salaada, marka laga soo tago masaajida qaarkood iyo saldhiga baliiska magaalada oo ay ku tukadeen dad kooban.

Xaafaddaha iyo is-gooysyada magaalada ayaa lagu arkayaan dad u badan haween iyo caruur si farxad leh ugu ciideysanaya, gaar ahaan caruurta oo Ciidan ay u tahay mid ay iyagu gaar u leeyihiin.


Dhinaca kale wararka laga hellayo degmooyinka kale ee gobollka sida Buula-burte, Jalalaqsi, Maxaas, iyo Matabaan ayaa sheegaya in siweyn looga Ciiday.

Ciidan ayaa ku soo beegantay xili magaalada uu ka jiro maamul hoostaga dowladda KMG waxaana sidoo kale ku sugan magaalada ciidamo Itoobiyaan ah iyo waliba tiro kooban oo ka tirsan ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka socda dowladda Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne Soomaaliya