4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2012
Munaasabadda Ciidul Fitriga oo Maanta si weyn looga Xusay Gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Munaasabadda Ciidda barakeysan ee ciiddul Fitriga oo maanta muslimiin badan oo caalamka ku nool ay siyaabo kala duwan ugu dabaaldegeen ayaa waxa siweyn looga xusay  degmooyinka kala duwan ee Jubooyinka.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa kamid ah goobaha sida weyn looga dareemayay munaasabadda ciidul fitriga, waxaana wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalada Kismaayo lagu arkayay dadweeyne fara badan oo ku labisan dhar aad u qurux badan oo raxanraxan u socda wadooyinka.

Dadka  reer Kismaayo oo gaarayay kumannaan qof ayaa waxa ay isugu soo urureen fagaaraha weyn ee isbartiimo Waamo halkaasoo ay ku oogeen Labada rakaco ee salaadda, waxaana shacabka reer Kismaayo halkaasi kula tukaday masuuliyiin katirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo qudbado kala duwan ka jeediyay goobta, iyagoona sidoo kale ugu baaqay shacabka reer Kismaayo in ay laba jibaaraan taageeradooda ku aadan maamulka Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale Degmooyinka Afmadow, Jilib, jamaame, Bu’aale iyo Badhaadhe ayaa iyaguna si diiran looga xusay munaasabadda ciidda barakeysan ee ciiddul fitriga.

Inkastoo gobollada Jubooyinka intooda badan looga dabaaldegayo farxadda ciidda barakeysan ee ciiddul fitriga ayaa hadana waxa jiro kumannaan qoys oo ku nool jubooyinka oo ay heystaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah kuwaasoo aan iyagu farxad uga qeybqaadan munaasabadda ciidda, islamarkaasina u baahan in la gargaaro.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya