4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjire Mahiga oo kulmay hadalna soo saaray

Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay shaqada guddiga farsamada iyo xulitaanka xildhibaannada baarlamaanka iyo weliba dhammeystirka marxaladda KMG ah, kaddib kulan uu la qaatay ergayga qaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya dajire Augustine Mahiga.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweyaha danjire Mahiga ayuu ku sheegay in guddiga TSC-du ay shaqadoodu tahay kaliya inay hubiyaan in xubnaha baarlamaanku ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyay (criteria), shirarkii Garoowe, Galkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi.

“Waxaan isla garannay in 20-ka Agoosto marka loogu yar yahay baarlamaanka aan haysano, heshiisyadii Garoowe, Gaalkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi in la ixtiraamo, guddiga farsamadu waxay leeyihiin inay criteria-da dadka u fiiriyaan, awood intaas ka baxsan malaha, hadday wax khilaafa yimaadaana guddiga odayaasha ah ee u xilsaaran ayaa iska leh,” ayuu yiri Shariif Sheekh.
 
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan la aqbali karin in shaqsiyaad gaar ah la bartilmaameedsado oo loo diido inay baarlamaanka ka mid noqdaan, wuxuuna yiri. “Waxaan ka wada hadalnay inaysan jiri karin lana aqbali karin in qof ama shaqsi ama koox la bartilmaameedsado, wax walbana ay ku dhammaadaan sidii loogu talo galay.”


Madaxweynaha ay saxaafaddu weydiisay in baarlamaanka cusub ay ka mid noqon karaan hoggaamiye kooxeedyadii dalka, wuxuu  sheegay in loo baahan yahay inaan la siyaasadayn arrinta ee loo fiiriyo qof kasta inuu buuxiyay wixii lagu heshiiyay.

“Marka la rabo qof in la eedeeyo waa in maxkamad caddaalad ah ay xukuntaa. Marka qof ay maxkamad xukuntay oo la dhihi karo dambiile waaye ma jiro, waxaa laga hadlayayna waxay ahaayeen dambiilenimo, marka waxaa la rabaa inaan la siyaasadeyn oo qorshaha sida uu yahay loo wado,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Danjire Mahiga oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in masuuliyadda soo xulidda baarlamaanka ay leeyihiin kaliya odayaasha dhaqanka, isla markaana aan la aqbali karin in si gaar ah loo bartilmaameedsado shakhsiyaad ama dad gaar ah.


“Waa odayaasha dhaqnka kaliya kuwa iska leh masuuliyadda magacaabidda 275-ka xildhibaan, sida madaxweynuhu sheegay ma jiri karto wax qof si gaar ah loo bartilmaameedsan karo, tanina waa jidka kaliya ee horay loogu soconayo,” ayuu yiri danjire Mahiga oo sheegay in madaxweynaha uu leeyahay hoggaaminta dhameystirka marxaladda KMG ah.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo guddiga xulista baarlamaanka ay dhawaan cedliyeen 57-qof oo qaarkood ay ku eedeeyeen in loo haysto dambiyo aanay sheegin.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya