4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2012
Xarrakada Al-shabaab oo la wareegtay gadiid siday raashin gargaar ah oo loo waday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xoogag Xarrakada Al-shabaab ee gacanta  ku haya maamulka degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan la wareegeen gadiid siday raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka ku dhibateysan qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan.

Gadiidka ay qafaasheen Xarrakada Al-shabaab oo u rarnaa NGO lagu magacaabo RDB ayaa ku sii jeeday deegaanno hoos taga degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan oo ay ku nool yihiin dadkii ku xoolo beelay abaartii ugu danbeysay ee  ku dhuftay qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

"Sagaal gaari ayeey ahaayeen gadiidka lala wareegay, waxaa ay Xarrakada Al-shabaab qafaasheen iyaga oo aan gaarin deegaannadii ay ku sii jeedeen," ayuu yiri qof ku sugan degmada Buula-burte.

Sidoo kale gacanta Al-shabaab ayaa waxaa ku jira tiro dad ah oo la sheegay in ay isugu jiraan shaqaalihii la socday gadiidka, sawir qaadayaal, iyo dad kale oo la ku sii jeedeen deegaannada uu raashinku u rarnaa.

Dhamaan gadiidka iyo dadkii la socday ayaa lagu waramayaa in la geeyay degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan, ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sababta keentay inay la wareegaan raashinka, iyadoo sidoo kalana aan la ogeyn wax ay ka yeeli doonaan dadka ay gacanta ku hayeen ee la socday gadiidka siday raashinka gargaarka ah.

Al-shabaab ayaa horay uga mamnuucday deegaannada ay ka gacanta ku hayaan ee dalka Soomaaliya in la geeyo gargaarka ay bixiyaan hay’addaha samafalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya