4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2012
Hay'adda Laanqeyrta Cas ee ICRC oo Gargaar Cunno ah u qaybisay 420,000 oo Qof oo ku nool Magaalada Muqdisho
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Hay'adda caalamiga ah ee laan-qayrta cas (ICRC) ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay 420,000 qof oo ku nool Muqdisho ay u qaybisay gargaar bani'aadamnimo.


ICRC waxay sheegtay in qoysaska ay gargaarka u qaybisay ay ku jireen kuwo aad u nugul, agoon dad da' ah iyo kuwo naafo ah, waxaana dadkan la siiyay cunno asaasi ah oo ku filan muddo bil ah.

"Dadka gargaarka loo qaybiyay waxaa ku jiray kuwo kusoo barakacay dagaalladii ka dhacay degmada Afgooye, kuwaasoo ahaa kuwo aad ugu nugul inay helaan cunno joogta ah," ayuu yiri Maxamed Sheekh Cali oo ah isku duwaha mashaariicda ICRC.

Hay'adda ICRC iyo ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa waxay wada-shaqeyn la yeesheen ururo kale ee gargaarka ka shaqeeya si ay u fuliyaan raashinka la qaybiyay oo isugu jiray bariis, digir, saliid iyo boorash.

"Cadaadiska deegaanka ee suuqyada iyo hoos u dhaca wax-soosaarka beeraha ee sannadkan roob yaraan awgeed iyo colaadaha waxay si weyn u saameeyeen helista cunto joogto ah. Tani waxay dhalisay sicir-barar ku yimaada iibka raashinka, iyadoo ka dhigtay raashinka daruuriga ah mid aysan heli karin dadka aadka ugu baahan," ayuu mas'uulku ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, ICRC waxay sheegtay in iyadoo xurmaynaysa bisha  barakeysan ee Ramadaan ay raashin iyo timir u qaybisay ku dhowaad 1000 maxaabiis oo u xiran dowladda taariikhdu markay ahayd 28 iyo 29 July. ICRC waxay warsaxafadeedkeeda ku sheegtay inay dib u bilowday booqashada maxaabiista ku xiran Muqdisho bisha May gaar ahaan maxaabiista u xiran dagaallada awgeed si loo hubiyo habka loola dhaqmo iyo xaaladahooda xabsiga.

"Booqashada maxaabiista waa howl muhiim u ah ICRC-da dunida oo idil, iyadoo si toos ah ugu xiran xilkeeda ay ku badbaadineyso dadka xiliyada colaadaha," waxaa sidaa yiri Hichem Khadraoui, isku-duwaha howlaha dhowrista ee Soomaaliya. isagoo intaas ku daray: "Meelaha laga maarmaanka ah, waxaan ku saacidnaa maamullada inay hagaajiyaan xaaladaha xabsiyada."

Hay'adda Laanqeynta Cas waxay sheegtay in maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Muqdisho ay u qaybisay saddexdii bilood ee ugu lasoo dhaafay agabka aasaasi ah oo ay ka mid yihiin: bustooyaal, joodariyaal, waxyaabaha nadaafadda la xiriira, kabaha saandalka ah iyo dhar.

Ugu dambeyn, ICRC waxay ka shaqeyneysay Soomaaliya tan iyo 1977-dii iyadoo si dhow ula shaqeynaysa ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed. iyagoo sheegtay inay bixiso gargaar deg-deg ah iyo mid fogba oo loogu tala-galay in lagu xoojiyo isku filnaashaha bulshada laguna hormariyo xeerka caalamiga ee aadanaha isla markaana kormeero xaaladaha iyo la dhaqanka maxaabiista.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya