4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2012
Qoys ku sumoobay Tuulada Qalaanqal ee gobolka Nugaal

Khamiis, August 16, 2012(HOL): Qoys ka kooban 5 qof ayaa ku sumoobey tuulada Qalaanqal oo ka tirsan gobolka Nugaal, kadib markii ay cabeen biyo ku jirey weel caag ah, oo markiisii hore dareere sun ah lagu keenay.

Hal qof oo qoyskaas ka tirsanaa, islamarkaana ahayd gabar yar ayaa la xaqiijiyey in ay geeriyootey, waxaana maanta deegaankaas gaarey koox ka socota wasaaradda caafimaadka oo isugu jirta dhakhaatiir iyo kaal kaaliyeyaal.

Yuusuf Cali (Dogob) oo ka tirsan odayaasha tuulada Qalaanqal ayaa HOL u sheegay in arintani ay ahayd mid si lama filaan ah ku timid, aadna ay uga argagaxeen, balse markii danbe ay laamaha caafimaadka usoo qaylo dhaan dirsadeen.

" Waa wax laga argagaxo, Jirigaanka markaasaa reerka loo keenay, waxayna u badan tahay in iyaga oo aan si fiican u dhaqin ay biyaha ku shubteen, qadar baase meesha ku jirtey" Yuusuf Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri.

Bishii Julay ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii Isbitaalada Boosaaso, Qardho iyo Ceeri-gaabo lasoo gaarsiiyey, dad ay tiradoodu 40 kor u dhaafeysey oo ku sumoobey deegaanka Qol ee gobolka Sanaag, kadib markii ay cabeen caano lagu keenay weel aan nadiif ahayn.

Dhulka Soomaalidu  degto waxaa si aad ah looga adeegsadaa weelashada caagga ah (Jirigaamada), gaar ahaan tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah, waxaana xusid mudan in xiliyada qaar ay dadku isticmaalaan caagag ay ka dhamaadeen Kiimikooyin halis ah, sida kuwa lagu keeno sunta xoolaha dulinka looga dilo.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia