4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2012
Tifaftire cusub oo loo magacaabay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da

Khamiis August 16, 2012(HOL): Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa isbadal xoog leh laga dareemayaa baraamijyada ka baxa idaacadda BBC. Dad badan ayay dhici kartaa in ay la yaaban yihiin waxa sababay isbadalka tayada barnaamijyada, oo uu ka mid yahay midka subixii 7-da aroornimo saacadda africada bari soo gala, waxaa horay uga shaqay jiray muddo sanado ah qof kaliya, iyadoo hadda laba qof ay ka howlgalaan.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii uu Yusuf Garaad Cumar oo ahaa tifaftiraha laanta Afka Soomaaliga uu iska casilay jagada, isagoo muddo ku dhow labaatan sano ahaa madaxa laanta afka Soomaaliga.

Labo maalmood kaddib tagitaankiisa, waxaa maamulka sare ee BBC uu xilkiisii si ku meel gaar ah ugu wareejiyay mid ka mid ah maamulayaasha BBC Andres Ilves. Andres,wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeedaa dalka Estonia oo horay uga tirsanaa Yugoslavia-yadii hore.

Andres Ilves wuxuu horay madax uga soo noqday laanta Afka Pashto BBC ee la hadasha dalal ay Afghanistan ugu horrayso. Andres Wuxuu sii haynayaa xilkan si ku meel gaar ah muddo lix bilood ah.

Lix bilood Kaddib, lama hubo waxa uu maamulka sare ee BBC ka damacsan yahay jagada tifaftiraha laanta afka Soomaaliga. Nidaamka horay loogu buuxiyay jagooyika la midka ahaa tan Yuusuf Garaad uu ka tagay sida Tifaftiraha BBC Hausa, BBC Swahili, BBC Afrique, BBC Kinyarwanda iyo BBC Focus on Africa, dhammaan waxaa lagu badalay shaqaalaha kale ee horey u sii joogay laanta mid ka mid ah. Waxaana ay u badan tahay haddii aan Andres waqtiga loo sii dheereyn in mid ka mid ah shaqaalaha hadda ku sugan BBC Somali ee London jooga loo dhiibi doono kaddib marka dhexdooda ay u tartamaan.

Waxaa kaloo iyadana aan meesha ka marayn hadii la raaco nidaamka shaqada ee dowladda hadda ka talisa UK u degsan in shaqo uu qaban karo qof British ah aan la siin kari qof aan haysan dhalashada Britain. Tan ayaa meesha ka saaraysa rajada ay qabi karaan qaar ka mid ah shaqaalaha oo haysta dhalashooyin kale, qaarkoodna ay ku adag tahay in ay qoraan farta Soomaaliga, marka laga reebo in ay kaliya ku hadli karaan.

Waxaa fursadda ugu fiican haysta ragga dhalinyarada ah ee aqoonta saxaafadeed Iyo khibradaba u leh shaqada BBC Somali ee muddada dheerna ka soo shaqeeyay laanta, kuwaas oo isbadal wayn ku samayn kara laanta si ay howsheeda si daacad ah ugu gudato.