4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2012
Hay'adda Culummada Soomaaliyeed oo baaq u jeedisay Madaxda DKMG ah iyo Odayaasha Xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Hay'adda culummada Soomaaliyeed ayaa baaq u jeedisay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ee ku howlan xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka.

Guddoomiyaha hay'adda culummada, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay laaluus bixinta iyo laaluush qaadashada iyo qofka dhexdooda ku dhex-jira labada dhinac, isagoo sheegay in nebi Muxammed (NNKH) uu nacladay saddexdaba.

"Madaxda dowladda Soomaalida waxaan dusha ka saaran inay u horseedaan inta kale sidii lagu heli lahaa xulitaan xalaal ah, Beesha caalamka waxaan uga digaynaa faragelinta qayaxan ee ay ku hayaan xulista baarlamaanka iyo faquuqidda ay ku hayaan diinta iyo dadka u damqanaya Soomaalinimada," ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Afhayeenka hay'adda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Guraxan oo isaguna ka hadlay kulankii ay hay'addu ku yeelatay Muqdisho shalay Arbacadii shalay ayaa ugu baaqay DKMG ah in ay ka hortagto in amniga uu xumaado, isagoo sheegay in laga faa'iideysan karo buuqa jira.

"Baabuurtan badan ee boorarka lagu dhajiyay iyo isbarbar yaacan socda waxaa suurogal ah inay khatar keento oo ammaan-xumadii horay u jirtay ay kasii darto, waxaana loo baahan yahay in la iska eego," ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Sidoo kale, dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayuu ug ubaaqay inay qabato wixii ay qaban karto ayna ka hortagto in ammaanka caasimadda uu faraha ka baxo, isagoo sheegay in dadka oo dhan ay hayso xumada doorashada.

Hay'adda culummada Soomaaliyeed ayaa waxay baaqeedan kusoo beegtay iyadoo ay Muqdisho ka jiraan ololayaal doorasho oo fara badan, sidoo kalena ay soo gaarayaan Muqdisho dad badan oo u sharraxan doorashada madaxnimo ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya