4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2012
Diyaaradihii Uganda ee ku sii jeeday Soomaaliya oo burburkoodii laga helay bartamaha dalka Kenya (SAWIRRO)

Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Saddex diyaaradood oo kasoo duulay dalka Uganda si ay u xoojiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ku burburay Kenya iyadoo la sheeagyo in loogu talogalay inay ka qaybqaataan qabsashada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Diyaaradahan ayaa waxaa burburkooda laga helay dhul buurley ah oo ku yaalla baratmaha dalka Kenya, iyagoo qaar ka mid ah ay gubteen, waxaana la helay askartii la socday mid ka mid ah, kuwasaoo la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, iyadoo la sheegayo in maydadka laba askari oo ka mid ahaa kuwii diyaaradda saarnaana la helay goor dambe oo maanta ah.

Saraakiil u hadlay milateriga Kenya ayaa sheegay in dhaawacyada lagu daweynayo isbitaal ay ku leeyihiin meel ku dhow halka laga helay burburka diyaaradda, iyadoo duuliyii diyaaradda la helay lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

"Weli ma ogin cid ku dhimatay diyaaradaha, balse waxaa la helay toddoba askari oo dhaawacyo qaba. Balse waxaan sheegi karnaa in mid ka mid ah diyaaradihii aan dirnay ay ku dagtay Gaarisa," ayuu yiri afhayeenka milateriga Uganda, Col. Felix Kulayigye oo saxaafadda la hadlay.



Diyaaradahan oo lagu farsameeyay dalka Ruushka ayaa waxay xukuumadda Uganda ugu talogashay inay ku xoojiso ciidamada Midowga Afrika ayna ka qaybqaataan howgalka lagu doonayo in lagu qabsado degmada Kismaayo oo ay ku xooggan tahay Al-shabaab.

Guud ahaan diyaaradahan waxaa la socday 28 sarkaal oo ciidamada cirka Uganda ka tirsnaa, kuwaasoo loogu talogalay inay howgalka AMISOM fududeeyaan, si ay dowladda KMG ah ugu suurogasho inay dalka oo dhan la wareegto.

Ciidamada Midowga Afrika oo howlgalkooda ka billaabay Soomaaliya sannadkii 2007 ayaa waxay noqon lahayd markii ugu horreysay oo ay dagaalladooda ka qayb-qaataan diyaarado dagaal, iyadoo aan la ogeyn inay tani dib u dhigayso go'aankii Midowga Afrika ee ahaa in Kismaayo la qabto inta aysan dhammaan bishan Ogoosto.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya